Sh Maxamed Adan oo Suxufiyinta iyo Bulshada kaleba u sheegay Khatarta Wararka aan la hubin ee la faafiyo

0
Saturday January 21, 2017 - 00:28:56 in by salman abdi
  • Visits: 587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sh Maxamed Adan oo Suxufiyinta iyo Bulshada kaleba u sheegay Khatarta Wararka aan la hubin ee la faafiyo

    Sh Maxmed Adan oo ah Khadiibka masjidka cali mataan ee magaalada Hargeysa aya bulshda iyo saxafada ka waaniyey faafinta wararka an la hubin iyo borobagaandhada qof iska yidhaahdo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sh Maxmed Adan oo ah Khadiibka masjidka cali mataan ee magaalada Hargeysa aya bulshda iyo saxafada ka waaniyey faafinta wararka an la hubin iyo borobagaandhada qof iska yidhaahdo,

waxanu sheekhu intii badnayd khudbadiisi jimcaha ee manta uu ka jeediyey masaajidka cali mataan uu kaga sheekeeyey Qiso ku jirtay Suuratu Nuur oo ku saabsanayd war khaldan iyo borobagaandho laga fafiyey Umul Muminiin Caaisha oo ahayd xaaski Nebiga SCW, kuwaaso galaafatay asxaab badn oo ay ku jiraan caailadii iyo qoyskii Rasuulka SCW iyo weliba Qoyski Xaaska Nebiga caaisha, waxana Qisadaas oo dheer kadib uu sheegay halista ay leedahay wax kasta oo ad maqashooo aad faafiso iyo halka ay ku geyn karto, isago tilmaamay inay gaalnimo ku horseedi karto, waxa u sheekhu si qoto dheer u sharraxay sida aanay bulshadu dhaaddanayn ee ay faafintaasi uga qaybqaataan isago tusalayaal badan u soo qaatay, waxana uu xusay in wax kasta oo qof ad ka soo maqashay iyo waxkasta oo meel lagu so qoray sida baraha bulshda, wargeys ama website aanu qofku dadka ku faafiin Karin balse loo bahanyhaay inu hubsado, isago tilmaamay in mushkiladda ugu weyn ee soomaalida haysataa ay tahay faafinta wax aan jirin, waxa u si gaar ah ugu dhegay oo uu wax lala yaabo oo dunuub badan ka dhalan karto ku sheegay erey bixinta ay saxaafaddu adeegsato ee ay ka mid yihiin , Ilo Lagu Kalsoonyahay, Ilo Xog ogaal ah, Warar xog ogaala, iyo waxyabo lamid ah,

Sh Maxamed adan oo inta bdan ku xidhan warbahinta ayaa ku waaniyey bulshda iyo qaybaha warbaahinta inaanay khayrka ay shaqystan sharkooda oo bata ku baabiin isago si gaar ah bulshada ugu sheegay in dadka ugu badan ee wax si faafiya ay mararka qaar noqdaa kuwa salaada sida fican u tukda, sooma, xajka taga ee diinta xoogga ugu adag, balse iyagon u haysan inay danbi faraha kula jiran xata waxyaabo an jirin oo masaajidka dhexdisa, ama banaankiisa ama makhayda u fadhiisto laga sheegay uu gadhsiiyo qof kale qofkiin dhowr qofoo kle dhowrki qofna dad badano kale sii gaadhsiiyaan sidasna ay ku faafto waxas fafinteeda isaga ka bilaabantay iyadoo hadi waxa uu maqlo uu iska haysan lahaa oo anu cidna u sheegin anu denbigaas ku dhaceen

Sheekhu wuxu aayado quraan ah , axaadiis iyo qisooyin ba kaga hadlay arrimahaas faafinta waxa aanu qofku indhihiisa ku arag ama anu usoo joogin ee uu meel kale ka soo dheegtay