War Deg Deg Ah:Donald Trump Oo Maxkamad Soo Taagaya Xili Uu Xilka Hayo Maalmo Kooban

0
Monday January 23, 2017 - 18:09:27 in by Burco Office
  • Visits: 382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Donald Trump Oo Maxkamad Soo Taagaya Xili Uu Xilka Hayo Maalmo Kooban

    Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wali wajahaya dhibaato kaga imanaeysa dhinaca sharciga iyo sidoo kale dadka kasoo horjeeda in uu Hogaamiyo dowlada Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wali wajahaya dhibaato kaga imanaeysa dhinaca sharciga iyo sidoo kale dadka kasoo horjeeda in uu Hogaamiyo dowlada Mareykanka. Donald Trump ayaa xilka Madaxweynaha dalka Mareykanka si rasmi ah ula wareegay 20-kii bishan, waxaana Madaxweynaha cusub ayaa wajahaya culeesyo badan ay ku jiraan dacwado laga yaabo in lagu soo oogo.

Koox isha ku haysa anshaxa ayaa ku mashquulsan in ay diiwaan geliso dacwad ka dhan ah Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka ,waxa ayna kooxdan ku tuhmeysaa Madaxweynaha in uu jebiyay qodob ka mid ah dastuurka dalka u yaala.

Kooxdan dacwada kusoo oogeysa Madaxweyne Trump oo magaceeda loo soo gaabiyo CREW ayaa sheegtay inay dacwadan maanta ka diiwana gelin doonto maxkamadda federalka ee Manhattan ee dalka Mareykanka.

Dacwada ayaa ku saleysan Qodobka lacag qaadashada ee dastuurka ayaa quwadaha shisheeya oo ay ku jiraan dowladaha ka mamnuucaya inay lacag ama haddiyad siiyaan madaxweynaha Mareykanka, ayada oo aanu ansixin dastuurka.

Warbaahinta dalka Mareykanka kuwooda ugu afka dheer ayaa shaaca ka qaaday dacwadan cusub ee lagu soo oogay Madaxweyne Trump, kooxda dacwada wada ayaana maxkamadda weydiisan doonta inay madaxweynaha ka joojiso inuu wax lacag ah ka qaato hay’adaha shisheeye.

Kooxda CREW ee maxakamada la koreysa Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka ayaa ku doodeysa in Madaxweynaha uu diiday inuu iska fogeeyo ganacsigiisa, waxa ayna sheegtay kooxda in ganacsigiisa uu ka helayo lacago badan .