Deg Deg Dagaal Culus Oo Dhex Maraaya Ciidamada Dawlada Somaliya AMison Iyo Al Shacab Oo Hubka Noc Yadii Kale La Isku Adeegsanaaya Oo Ka Socda Degmada Afgooye

0
Monday January 23, 2017 - 18:11:18 in by Burco Office
  • Visits: 444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg Dagaal Culus Oo Dhex Maraaya Ciidamada Dawlada Somaliya AMison Iyo Al Shacab Oo Hubka Noc Yadii Kale La Isku Adeegsanaaya Oo Ka Socda Degmada Afgooye

    Dagaal aad u culus ayaa goor dhow ka qarxay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaasoo dhexmaraya ciidamada dowlada, AMISOM iyo xoogaga Al-Shabaab. Deg Deg Dagaal Culus Oo Dhex Maraaya Ciidamada Dawlada Somaliya AMison Iyo Al Shacab Oo Hubka Noc Y

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal aad u culus ayaa goor dhow ka qarxay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaasoo dhexmaraya ciidamada dowlada, AMISOM iyo xoogaga Al-Shabaab. Deg Deg Dagaal Culus Oo Dhex Maraaya Ciidamada Dawlada Somaliya AMison Iyo Al Shacab Oo Hubka Noc Yadii Kale La Isku Adeegsanaaya Oo Ka Socda Degmada Afgooye Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu bilowday ka dib markii xoogaga Al-Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen degmadaas gaar ahaan koonfurta iyo galbeedka.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee fariisimaha ku leh degmada Afgooye ayaa iska caabin kula jira xoogaga weerarka soo qaaday rasaas xoog leh iyo qaraxyo ayaana laga maqlayaa gudaha iyo daafaha degmadaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xoogaga Al-shabaab ay gudaha u soo galeen degmada Afgooye ayna gacanta ku hayaan qeybo ka mid ah xaafadaha degmadaas.

Lama oga khasaaraha dagaalkan balse waxaa hakad ku jira dhamaan dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ee degmada Afgooye, iyadoo xaalada degmadu ay tahay mid cakiran, shacabka degmadaasna cabsi fara badan ayey muujinayaan.

Al-shabaab ayaa dhowaanahan dhowr jeer xiligan oo kale weeraro kan la mid ah ku soo qaaday degmada Afgooye wixii warar ah ee soo kordha kala soco boggan insha ALLAAH.