Daawo Sawirada : 8-Dal oo iskugu soo haray Koobka Qaramada Africa

0
Thursday January 26, 2017 - 12:20:21 in by Burco Office
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada : 8-Dal oo iskugu soo haray Koobka Qaramada Africa

    Koobka Qaramada Africa oo si xiiso leh uga socda dalka Gaboon ayaa waxaa iskugu soo haray 8-Wadan kuwaas oo la isku aadiyay si ay kulamo kala bax ah u soo yeeshaan .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koobka Qaramada Africa oo si xiiso leh uga socda dalka Gaboon ayaa waxaa iskugu soo haray 8-Wadan kuwaas oo la isku aadiyay si ay kulamo kala bax ah u soo yeeshaan . Xulka Qaranka Masar ayaa xalay ciyaar xiiso laheed ay la ciyaareen kaga badiyay Xulka Qaran Ghana , waxaana ciyaartaasi hal iyo Eber ku adkaatay Masar halka Wadamada Mali iyo Uganda ku kala baxeen Bareejo 1 iyo 1.

Wadamada 8-da ah ee u soo baxay wareega labaad ayaa waxa ay kala yihiin Masar , Ghana , Marooko , Senegal , DR.Congo , Tunisia , Burkina Faso iyo Cameroon . Dalalkaan ayaa wada ciyaari doona maalmaha Sabtida iyo Axada ee fooda inagu soo haya waxeeyna iskugu dhaceen sidatan :

Tunisia Vs Bukino Faso
Senegal Vs Cameroon
Ghana Vs DR Congo
Masar Vs Marooko .

*** Dhanka kale kooxda Juventus ee horyaalka Talyaaniga ayaa u soo baxday Semifinaalka Coppa Italia ka dib markii ay 2-1 ku garaacday naadiga Ac Milan . Juventus ayaa la ciyaari doonta naadiga Napoli waxaana la sugayaa kooxaha Inter Vs Lazio iyo Roma Vs Cesena kii soo gaara Semifinaalka Koobka Talyaaniga .

*** Kooxda Real Madrid ee horyaalka dalka Spain ayaa waxaa laga reebay koobka dalkaas ee Copa Del Rey .Real Madrid oo bareejo 2-2 ah la gashay naadiga Celta Figo ayaa koobkaan ka hartay maadaama is araga wajigii hore gurigeeda looga soo badshay 1-2. Kooxda Atletico Madrid ayaa u soo baxday Semifiinaalka koobkaan waxaana caawa la sugayaa tii soo baxdo kooxaha Fc Barcelona Vs Real Sociedad