Human Rights Watch: AMISOM waa inay magdhaw ka bixiso dilka 14 rayid ah

0
Thursday January 26, 2017 - 15:35:49 in by Burco Office
  • Visits: 423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Human Rights Watch: AMISOM waa inay magdhaw ka bixiso dilka 14 rayid ah

    Hayada xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch[HRW] ayaa ka dalbeysa ciidamada AMISOM inay magdhaw ka bixiyaan 14 qof oo rayid ah oo ay sheegtay inay ku dileen gudaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hayada xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch[HRW] ayaa ka dalbeysa ciidamada AMISOM inay magdhaw ka bixiyaan 14 qof oo rayid ah oo ay sheegtay inay ku dileen gudaha Soomaaliya.

War saxaafadeed maanta ay HRW kasoo saartay Nairobi ayaa lagu shaaciyay waxyaabihii ay kasoo ogaatay baaritaan ay dhawaan dilalkaa ku samaysay.

14ka qof ayaa gaar ahaan waxaa dilay dufcadda Itoobiya ee ciidamada AMISOM. Dadkaa ayaa lagu laayay Wardiinle oo ah deegaan ka tirsan gobolka Baay.

Lix bilood ayaa hada laga joogaa markii dilalkaa ay dhaceen oo HRW ay sheegtay in ay ciidamadaasi geysteen 17kii Luuliyo sanadkii tagay ee 2016.

Waxay sheegtay in wali ehelada dadkaas aan wax magdhaw ah la siin lix bilood kabacdi.

Dadkaa ayaa Quraan ku aqrinaayay qof buka maalintaa ka hor intii ciidamadaasi AMISOM aysan rasaas ku furin mundul ay ku jireen.

Dadkaa dhintay oo meeshaa lagu dilay ayaa waxaa ku jiray odayaal, culimaau-diin, macalimiin dugsi iyo dad qaraabo la ahaa qofka bukay ee la diin saarayay.

Marar badan ayaa waxaa sidaan oo kale ciidamada AMISOM loogu eedeeyay inay dilal geysteen gaar ahaan dad sidaa oo kale guryahooda u joogay.

AMISOM ayaan wali ka hadlin war murtiyeedka HRW maanta ay soo saartay walow in badan oo tacaddiyada lagu eedeeyo ah ay horay u diideen inay galeen in badana ay qirteen tacaddiyada lagu soo eedeeyay inay ka galeen dadka rayidka ah ee Soomaaliya.

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2017/Jan/wararka_maanta26-129510.htm#sthash.7ejSHWoO.dpuf