Diyaarad Sidday Dhalinyarro Soomaaliyeed Oo Maraykanka Laga Soo Tarxiilay Oo Muqdisho Kasoo Degtay.

0
Thursday January 26, 2017 - 15:43:55 in by Burco Office
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Sidday Dhalinyarro Soomaaliyeed Oo Maraykanka Laga Soo Tarxiilay Oo Muqdisho Kasoo Degtay.

    Waxaa fiidkii xalay garoonka dayuuradaha ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degatay Dayuurad ay la socdeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa fiidkii xalay garoonka dayuuradaha ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degatay Dayuurad ay la socdeen

Soomaali si qasab ah looga soo masaafuriyey dalka Maraykanka.


Dayuurad gaar ah oo ay la socdeen ilaalo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa dhalinyaradan Soomaalida ka soo dejiyey magaalada Nairobi, waxaana halkaas laga soo saaray dayuurad ay leedahay shirkadda Jubba Airweys oo ugu dambeyn Xamar keentay.

Waxaa dayuuradan la socday illaa 94 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xifhnaa xabsiyo ku yaalla magaalooyinka wadanka Maraykanka.

Saraakiil ka tirsan laanta socdaalka Somalia ayaa dayuurada albaabkeeda ka yeedhinayey liis ay ku qornaayeen magacyada dadka la soo tarxiilay, iyagoo u muuqday iney ka sii war hayeen dadkan laga soo tarxiilay Maraykanka.

Sidoo kale ciidamo Boolis dheeraad ah ayaa la geeyey garoonka Aadan cadde si ay uga hor tagaan rabshado laga cabsi qabay iney sameeyaan dhalinyaradan oo aad uga cardheysnaa in dib loogu soo celiyo dalkooda oo markii horeba ay uga carareen dhibaatooyinka ka jira. lamana soo sheegin illaa hadda wax rabshado ah.

Soomaalidan oo markii hore ka cararay duruufaha nololeed iyo amni xumada ka jirta dalkooda ayaa waxaa lagu eedeeyey iney qaab tahriib ah ku galeen dalka Maraykanka, iyagoo siyaabo kala duwan uga gudbay xadka dalka Mexico uu la wadaago Maraykanka.

Dhalinyaradan ayaa loo diidey in loo aqoonsado qaxootinimo, waxaana qaarkood markii ay saxiixeen waraaqaha dib loogu celiyo wadankooda loo sheegay in lagu celinayo Soomaaliya.

Dhalinyaradan ayaa ku eedeeyey safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykaka inay wax ka ogtahay in dib u celin lagu sameeyo, iyagoo xusay in qarash badan iyo rafaad ay ka soo mareen sidii u gaadhi lahaayeen dalka Maraykanka.

Masuuliyiinta Safaarada Soomaalida ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay ka war-hayaan xaalada dhallinyaradan, balse aanay shaqo ku lahayn aqbaalaaddooda iyo diidmadooda taasna ay u taallo dowladda Mareykanka.

Shuruucda dhinaca socdaalka ee dalka Maraykanka ayaa qoraysa in dadka ajaaniibta ah ee tahriibka ku soo gala dalkaas dib loogu celiyo dalalka ay ka soo jeedaan