Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliya Oo Musharixiinta madaxweynaha Talo Muhiim Ah U Soo Jeediey Maxayse Tahay ?

0
Thursday January 26, 2017 - 15:47:33 in by Burco Office
  • Visits: 711
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliya Oo Musharixiinta madaxweynaha Talo Muhiim Ah U Soo Jeediey Maxayse Tahay ?

    Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max'ed Cimaan Jawaari ayaa ugu baaqay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya in ay ilaaliyaan islamarkaana dhowraan shaqada iyo waajibaadka u yaala gudiga qabanqaabada doorashada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max'ed Cimaan Jawaari ayaa ugu baaqay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya in ay ilaaliyaan islamarkaana dhowraan shaqada iyo waajibaadka u yaala gudiga qabanqaabada doorashada.

Gaar ahaan Jawaari ayaa ugu baaqay dhamaan musharixiinta daneynaya in ay u tartamaan xilka madaxweynaha Jamhuuriyada ilaaliyaan jadwalka is diiwaangalinta musharixiinta oo ku eg Axada nagu soo foolka leh.

”Musharaxiinta waxaan u sheegeynaa in ay ilaaliyaan Jadwalka is diiwaangalinta, Musharaxii uu ka dhaco wakhtiga doorashada mala diiwaangalin doono waxaa loo baahan yahay in la ilaaliyo xiliga is diiwaangalinta”

Xarunta Villa Hargeysa ayeey ka soctaan isdiiwaangalinta, waxaana mashquul ah gudiga oo halkaa ku qaabilayay musharixiin kala duwan kuwaa oo qaarkoona is diiwaangaliyay.

Musharixii ugu horeeyay ee tagay goobta doorashada ayaa noqday madaxweynihii hore ee dowladdii KMG Shariif Sheekh Axmed oo is diiwaangaliyay.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ugu baaqay guddiga doorashada madaxweynaha in ay shaqeeyaan si hufan ,islamarkaana ay ilaaliyaan laftirkooda Jadwalka doorashada.

Ugu danbeyntii, doorashada sanadkan oo noqon doonta mid ka xiiso badan kuwii ka horeeyay ayaa la filayaa in ay ku tartamaan musharixiin uu ka mid yahay madaxweynaha tallada haya Xassan Sheekh Max’uud, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, rag horey ra’iisal wasaarayaal uga soo noqday dalka, iyo siyaasiyiin caan oo qaarkood marar badan oo hore ka soo qeyb-gallay doorashada iyo kuwa ku cusub siyaasada intaba.