Shaxda Rasmiga Ah Ee Hull City Vs Man United Iyo Antony Martial Oo Kulankii Labaad Oo Xidhiidh Ah Laga Saaray Kooxda Red Devils.

0
Friday January 27, 2017 - 14:54:17 in by Burco Office
  • Visits: 568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaxda Rasmiga Ah Ee Hull City Vs Man United Iyo Antony Martial Oo Kulankii Labaad Oo Xidhiidh Ah Laga Saaray Kooxda Red Devils.

    Manchester United ayaa marti u ah kooxda Hull City oo ay kulankii lugtii kowaad ee Leaque Cupka 2:0 ku soo garaacday waxayna Mourinho iyo kooxdiisa Red Devils doonayaan in ay boos ka samaystaan finalka Wemley Stadium ee ay Southampton sii joogto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa marti u ah kooxda Hull City oo ay kulankii lugtii kowaad ee Leaque Cupka 2:0 ku soo garaacday waxayna Mourinho iyo kooxdiisa Red Devils doonayaan in ay boos ka samaystaan finalka Wemley Stadium ee ay Southampton sii joogto.
Tababare Mourinho ayaa kulankii labaad oo xidhiidh ah liiska kooxdiisa ee kulankan ka reebay xidiga ree France eeAntony Martial kaa soo sidoo kale ka maqnaa kulankii Stoke City. Wargayska Daily Mirror ayaa todobaadkan ku waramay inAntony Martial amaah loogu diri doono kooxda Sevilla, waxaana sii xumaaday xidhiidhka Martial iyo Mourinho.

 

Dhinaca kale Andre Herrera ayaa shaxda Manchester United ku soo bilawday wuxuuna safanayaa kulankiisii 100 aad ee waayihiisa Red Devils. Wayne Rooney iyo Mkhitaryan ayaa kaydka ku jira waxaana safka weerarka Ibrahimovic kula soo bilawday da’yarka Marcus Rashford.

SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:

 

Hull City:Marshall, Maguire, Meyler, Huddlestone, Clucas, Maloney, Diomande, Dawson, Niasse, Tymon, Bowen

Manchester United: De Gea, Darmian, Jones, Smalling, Rojo, Carrick, Herrera, Lingard, Pogba, Rashford, Ibrahimovic.

Kaydka: Romero, Fosu-Mensah, Shaw, Fellaini, Mata, Mkhitaryan, Rooney