Geerida Guddoomiyihii Sarrifalayaasha Ee Saldhiga Dhexe iyo Xog-waranka Wasiirka Arrimaha Gudaha

0
Friday January 27, 2017 - 16:51:31 in by Burco Office
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geerida Guddoomiyihii Sarrifalayaasha Ee Saldhiga Dhexe iyo Xog-waranka Wasiirka Arrimaha Gudaha

    Guddoomiyihii sarifleyaasha magaaladda Hargeysa ayaa shalay ku geeriyooday saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa oo arbacadii lagu soo xidhay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii sarifleyaasha magaaladda Hargeysa ayaa shalay ku geeriyooday saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa oo arbacadii lagu soo xidhay.

Guddoomiyaha sarifleyaasha marxuum Cabdilaahi Cali Bare oo ka mid ahaa shan qof oo loo soo xidhay arrimaha sarifka lacagaha kadib markii ay ka hor yimaadeen go’aankii lagu amray in aanay dhaafin sarifka ayaa saldhiga ku dhex dhintay.

Marxuumka, ayaa Geeriyooday ka dib, markii isaga oo Quraacanaya uu Cunaha u istaagay mid ka mid ah Ilko Macmal ah oo ugu jiray Afka, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Wasiir Faratoon oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, "Sababta Dhimashadiisa ILAAHAY baa og, laakiin inta aanu ognahay waxa weeyaan Ninkaasi wuxuu cunayey Quraac Beer ah, dabadeedna waxbaa cunaha u istaagay, waxaana la sheegayaa in Ilig ka mid ahaa Ilkihiisa oo ah Nooca Dadka loo geliyo uu malaha u raacay wuxuu cunayey, dabadeedna uu cunaha istaagay, dabadeedna waxa loola cararray Cisbitaalka, laakiin markii la geeyay ayay Naftu ka baxday.”

Wasiirka oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du waydiisay waxa ka jira in Marxuumku u geeriyooday Jidh-dil ay Ciidammada Booliisku u geysteen, ayaa ku jawaabay, "Haba-yaraatee wax uu Booliisku u geystay ma jirto, laakiin isaga iyo Raggii kale ee Saldhigga dhexe ee Hargeysa kula xidhnaa ayaa Qureecanayey, dabadeedna mar kaliya ayuun bay Cunaha wax u istaageen.”

Wasiirku wuxuu sheegay inay illaa hadda xidhan yihiin Shan Sarrifle oo u hoggaansami waayay Awaamiirtii Dawladdu kula dagaalamayso Sicir-bararka Dollarka "Tirada Sarrifleyaasha noo xidhan waxay ahayd Lix marka isaga lagu daro, laakiin imika Shan baa xidhan iyo Nin ka mid ah Madaxda Shirkadda la yidhaahdo TELESOM.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Maxkamadda la hor-geynayo, "Sida Nidaamku yahay Sharciga ayaa la marinayaa oo Maxkamadda waalla geynayaa, laakiin muddadii (Lagu geyn lahaa) may gaadhin. Waxa lagu xidhay (Sarrifleyaasha) inay u hoggaansami waayeen Shuruucdii laga soo saaray Arrintaa (Sicir-bararka Dollarka) ee Qiimaha dhaca Shilinka Somaliland lagula dagaalayey.”