Kenya oo Shaacisay tirada askartii shalay looga dilay Weerarkii Kulbiyow

0
Saturday January 28, 2017 - 10:05:07 in by Burco Office
  • Visits: 505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo Shaacisay tirada askartii shalay looga dilay Weerarkii Kulbiyow

    Dowlada Kenya ayaa war kasoo saartay qasaaraha kasoo gaaray Weerarkii shalay dagaalyahano katirsan Al Shabaab ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen Deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Kenya ayaa war kasoo saartay qasaaraha kasoo gaaray Weerarkii shalay dagaalyahano katirsan Al Shabaab ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen Deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubada Hoose.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Kenya ayaa lagu sheegay in 9-askari looga dilay weerarkii Al Shabaab shalay ku qaadeen Saldhigooda kuyaala Kulbiyow sidoo kale looga dhaawacay 15-askari oo kale.

Wasaarada Gaashaandhiga Kenya ayaa beenisay in laga qabsaday saldhigii ay ku lahaayeen Ciidankooda deegaanka Kulbiyoow, waxaana warka kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Kenya lagu sheegay in iyagu wali gacanta ku hayaan saldhigaasi.


Dowlada Kenya ayaa been abuur ku tilmaantay warka kasoo baxay Al Shabaab ee ku aadan in Weerarkii Kulbiyoow lagu dilay 67 askari oo katirsan Ciidanka Kenya, waxa ayna Wasaarada Gaashaandhiga Kenya dhankeeda sheegaty in Al Shabaab ka dileen 70-dagaalyahan.

Al Shabaab ayaa shalay saacado kooban la wareegay saldhig Ciidamada Kenya klu lahaayeen Kulbiyoow sida ay dadka deegaanka sheegeen, Al Shabaab ayaana weerarkaasi ku dilay Ciidamo katirsan Kenya iyo Maamulka Jubbaland, waxaa sidoo kale weerarka ku dhintay dad shacab ah.