Hordhac: Chelsea vs Arsenal- Blues Oo Diyaar U Ah In Ay Ka Aarsato Gunners, Rajada Koobka Premier Leaque-ga Ee Kooxaha Kale Oo Arsenal Ku Xidhan

0
Saturday February 04, 2017 - 00:33:47 in by Burco Office
  • Visits: 1284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Chelsea vs Arsenal- Blues Oo Diyaar U Ah In Ay Ka Aarsato Gunners, Rajada Koobka Premier Leaque-ga Ee Kooxaha Kale Oo Arsenal Ku Xidhan

    Inaha aduunka oo dhan ayaa ku soo jeeda Stamford Bridge halkaas oo ay kooxda hogaaminaysa horyaalka Premier Leaque-ga ee Chelsea ay ku soo dhawayn doonto kooxda London ku xifiltamaan ee Arsenal. Muhiimada kulankan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inaha aduunka oo dhan ayaa ku soo jeeda Stamford Bridge halkaas oo ay kooxda hogaaminaysa horyaalka Premier Leaque-ga ee Chelsea ay ku soo dhawayn doonto kooxda London ku xifiltamaan ee Arsenal. Muhiimada kulankan

 ayaan ahayn mid ku kooban Arsenal iyo Chelsea oo kaliya, balse waa kulan ay ka war sugayaan dhamaan kooxaha uu koobka Premier Leaque-ga hungurigu kaga jiro in ay xili ciyaareedkan ku guulaystaan. Halyaygii Arsenal ee Robert Pires ayaa si cad u sheegay in dhamaan kooxaha kale iyo Arsenal ay macasalaamayn doonaan koobka Premier Leaque-ga, haddii ay Chelsea ka guulaysato Arsenal.

 

Marka meel layska dhigo muhiimada uu kulankani Chelsea u leeyahay, waxay kooxda Antonio Conte wali ilaaway laadahay ceebtii iyo waji gabixii ku soo gaadhay Emirates Stadium ee kulankii qaybtii kowaad ee xili ciyaareedkan, markaas oo ay kooxda Blues is aragtay iyada oo 3:0 hogaanka ciyaarta looga hayay daqiiqadii 40 aad ee kulankaas. Waxayna Conte iyo kooxdiisa Blues diyaar buuxa u yihiin in saddexda dhibcood iyo waliba aarsasho ay iskugu daraan kooxda uu Arsene Wenger ka ganaaxan yahay ee Gunners.

XOGTA KULANKAN:

TARTANKA: Premier Leaque-ga kulankiisa 24 aad.

KULANKA: Chelsea Vs Arsenal

GAROONKA:Stamford Bridge

WAQTIGA: 3:30 Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika

GARSOORAHA: Martin Atkinson

Xaqiiqadii waa laba kooxood oo kala duwan, kooxdii Chelsea ee booqatay Emirates Stadium ee guuldarada wayn kala soo laabtay Arsenal iyo kooxda uu hadda Antonio Conte diyaarka kula yahay Stamord Bridge. Laga soo bilaabo guuldaradii Arsenal ka soo gaadhay ayay Chelsea soo guulaysatay 13 kulan oo xidhiidh ay, waxayna sidoo kale soo guulaysteen 15 kulan oo ka mid ah 17 kii kulan ee ay ciyaareen kadib guuldaradii Gunners.

Khibarada ciyaaraha ayaa aaminsan in guuldaro kale oo Arsenal soo gaadhaa ay soo gagabayn karto riyadoodii ahayd in ay xili ciyaareedkan ku guulaystaan koobka Premier Leaque-ga kadib markii ay si lama filaan ah guuldaro xanuun badan ugala kulmeen Watfrod ee kulankii ugu danbeeyay ee Emirates Stadium. Sidaa daraadeed, Arsenal ayaa u baahan in ay wax kasta samayso si ay ugu yaraan guuldaro uga soo dheeraato.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKAN KA HOR:

Chelsea ayaa xili ciyaareedkan ku raaxaysanaysa xaalad caafimaad oo aad u fiican, wuxuuna Antonio Conte ku faraxsan yahay in uu haysto koox dhamaystiran oo uu ka soo xulan karo shaxda u doono. Laakiin lama filayo in uu isbadal badan ku samayn doono shaxdii uu barbaraha kula soo galay Liverpool.

Sagaal sanadood oo uu Branislav Ivanovic ku soo qaatay Stamfrod Bridge ayaa si rasmi ah u soo dhamaaday wuxuuna ku biiray kooxda Zenit St Petersburg, sidaa daraadeed waxaa gabi ahaanba laga saaray liiska Chelsea ee maamulka Premier leaque-ga loo gudbiyay. Cesc Fabregas iyo Pedro Rodriguez ayaa ku soo bilaaban kara kadib markii ay kaydka fadhiyeen kulankii Anfield. Ma jiro wax wal wal dhaawac ah oo uu Antonio Conte qabaa.

LIISKA CHELSEA EE KULANKA ARSENAL: Courtois, Begovic, Alonso, Fabregas, Zouma, Kante, Hazard, Loftus-Cheek, Moses, Pedro, Costa, Matic, Willian, Batshuayi, Cahill, Terry, Azpilicueta, Chalobah, Luiz, Eduardo, Aina, Ake.

Dhinaca kooxda martida ah ee Arsenal xaaladu way ka duwan tahay, wuxuuna Arsene Wenger qabaa walwal aad u wayn oo dhaawacyo ah waxaana kulankan muhiimka ah seegaya Aaron Ramsey oo uu dhaawac ku soo gaadhay guuldaradii Watford laakiin sidoo kale Gunners ayaa ka walwalsan xaalada Alex Oxlade-Chamberlain iyo Olivier Giroud oo baadhitaano caafimaad lagu sameeyay, laakiin waxay Gunners rajaynaysaa in Giroud iyo Chamberlain ay taam u noqon karaan kulanka Chelsea.

Laakiin tababaraha ree France ayaa khadka dhexe ee kooxdiisa u ahysta kaliya Francis Coquelin oo taam buuxa ah iyada oo Santi Cazorla uu dhaawac la maqan yahay isla markaana uu Granit Xhaka ganaax ku sii maqnaan doono halka Mohamed Elneny uu xulka qaranka Masar uga qayb galayo koobka qaramada Afrika. Laakiin Danny Welbeck oo laba gool ka dhaliyay kulankii Southampton ee FA Cupka ayaa kualnka Blues door ku yeelan doona.

LIISKA ARSENAL EE KULANKA CHELSEA: Cech, Ospina, Martinez, Bellerin, Debuchy, Jenkinson, Holding, Gabriel, Mertesacker, Koscielny, Mustafi, Monreal, Gibbs, Maitland-Niles, Coquelin, Oxlade-Chamberlain, Ozil, Walcott, Reine-Adelaide, Iwobi, Sanchez, Perez, Giroud.

XOG AAD U BAAHAN TAHAY IN AAD KA OGAATO KULANKAN:

Guuldaradii 3:0 ahayd ee Chelsea bishii September ku soo gaadhay Emirates Stadium waxay ahayd guuldaradii ugu cuslayd ee ay Blues kala kulantay Arsenal tan iyo bishii April 1997 kii markaas oo ay isla 3:0 Gunners ku garaacday kooxda Chelsea. Laakiin Blues ayaa 9 kii kulan ee ka horeeyay kulankii xili ciyaareedkan aan wax guuldaro ah kala soo kulmin Arsenal waxayna ka haysatay 6 guulood iyo 3 barbaro ah balse Gunners ayaa kulankii Emirates Stadium iska reebtay inkaartii Blues ka haysatay.

Arsenal ayaan hal xili ciyaareedkan Chelsea labada guriba ku garaacin tan iyo wixii ka danbeeyay xili ciyaareedkii 2003/04, waana xili ciyaareedkii ugu danbeeyay ee ay Arsenal ku guulaysatay koobka Premier Leaque-ga. Laakiin Gunners ayaa markale doonaysa in ay xili ciyaareedkan Blues ku garaacdo marti iyo minan inkasta oo ayna wax sahlan u noqon doonin.

Labadii tababareee  ugu horeeyay ee Chelsea soo maray oo aan labadoodii kulan ee ugu horeeyay wax guul ah ka gaadhin Arsenal waxay ahaayeen Jose Mourinho (2004/05) iyo Glenn Hoddle oo isna labadiisii kulan ee ugu horeeyay aan xili ciyaareedki 1993/94 kii wax guul ah ka gaadhin Gunners,wuxuuna Conte noqon karaa tababarihii saddexaad hadii uu Gunners guul ka gaadhi waayo kulanka sabtida.

SHAXAHA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

SHAXDA MACQUULKA AH EE CHELEA:

KAYDKA MACQUULKA AH EE CHELSEA:  Begovic, Eduardo, Zouma, Aina, Kenedy, Musonda, Terry, Fàbregas, Chalobah, Aké, Willian, Batshuayi, Loftus-Cheek

SHAXDA MACQUULKA AH EE ARSENAL:

KAYDKA MACQUULKA AH ARSENAL: Ospina, Martínez, Jenkinson, Debuchy, Mertesacker, Gabriel, Holding, Gibbs, Maitland-Niles, Reine-Adélaïde, Sanogo, Welbeck, Pérez, Giroud

Haddaba akhriste kooxdee ayaad filaysaa in ay kulankan guulaysan doonto? Haddii ay Chelsea ka guulaysato Arsenal miyaad filaysaa in koobka Premier Leaque-gu uu u gacan galyo Antonio Conte iyo kooxdisa?. Haddii ay Arsenal guulaysato maxaad filaysaa in ay isbadla karaan? Waxaad jawaabahan nagula wadaagi kartaa baraha Facebook iyo twitterka aan ku leenahay ama qaybta hoose ee commentska, lana share-garee asxaabtaada kale.