Cali Khaliif Galaydh oo Ka Soo Fakaday Malleeshiyo Buuhoodle ku Xannibtay, Saakana Hargeysa laga Sugayo
oo ay shalay Malleeshiyo-beeleed hubaysani ku xannibeen, una diideen inuu u dhoofo dalka Jabuuti oo uu doonayey inuu kaga qaybgalo wejiga labaad ee wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo oo halkaas ka furmi lahaa.
Prof: Cali Khaliif Galaydh, xalay waxa uu Safar Gaadhi ah ku soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaas oo uu Saaka uga soo ambabaxay dhinaca magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, sida uu Saaka Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u xaqiijiyey Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).
Cali Khaliif Gallaydh, ayey Axaddii Maanta Malleeshiyo-Beeleed Hubaysani xoog iskaga hortaageen inuu ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha Buuhoodle, halkaas oo ay soo fadhiisatay Diyaarad yar oo uu u raaci lahaa magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.
Ninka Sheegtay inuu yahay Taliyaha Ciidanka Difaaca Buuhoodle Cabdifataax Baydan, ayaa BBC-da u sheegay galabta in Diyaaradda ay xannibeen sii daayeen, isla markaana ay ka reebeen Cali Khaliif Galaydh oo ay u diideen inuu u raaco Diyaaraddaas Jabuuti oo uu kaga qaybgeli lahaa sida uu sheegay wadahadallo u socday Khaatumo iyo Somaliland, wadahadalladaas oo uu sheegay Taliye Baydan inaan Cali Khaliif ku metelin Dadka deegaanka Buuhoodle oo ay ka soo horjeedaan, sida uu hadalka u dhigay ee BBC baahisay.
Geesta kale, isla Malleeshiyadan Hubaysan, ayaa Jimcihii sidan oo kale Cali Khaliif iyo Wefti la socday ugu diiday inuu ka qaybgalo Shir deegaanka Higlo-ka-dhacday ee gobolka Buuhoodle lagu qabtay oo la doonayey in lagu heshiisiiyo laba Beelood oo deegaankaas wada dega oo bishii hore halkaas dagaal qadhaadhi ku dhex-maray.
Malleeshiyadaas Hubaysan ee Baydan hoggaamiyo, ayaa deegaanka Dan-dad oo isla Buuhoodle ka tirsan ku hor-istaagay Hoggaamiyaha Khaatumo Jimcihii, waxaanay ku qasbeen Galaydh iyo Weftigiisa inay dib ugu laabtaan Buuhoodle oo ay ka tageen marka hore.
Sababta ay Malleeshiyadan hubaysani u xayireen Cali Khaliif, ayaa lagu sheegay inay diiddan yihiin dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasadeed oo ay ku tilmaamayaan kuwo madhalays noqday iyo wadahadallada uu Somaliland la furay oo ay qaarkood ku doodayaan inaanay ahayn kuwo baahidooda iyo rabitaankooda ka jawaabaya.
Cali Khaliif Galaydh oo Ka Soo Fakaday Malleeshiyo Buuhoodle ku Xannibtay, Saakana Hargeysa laga Sugayo
Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa ku soo jeeda magaalada Hargeysa, ka dib markii uu xalay ka soo ambabaxay magaalada Buuhoodle