"Donald Trump waa Nin Wanaagsan oo Halyeey ah oo Ummadda Islaamka la Shaqaynaya.." Sh. Aadan-Sunne
Sheekha Aadan-Sunne, oo sida Shabakadaha Wararka ee Internet-ka lagu baahiyey Jimcihii dhawaa Khudbad ka jeediyey Masaajid ku yaalla Hargeysa oo uu Tukiyo, waxa uu ku soo qaatay go’aankaas Trum, waxaanu sheegay inuu Trump yahay Halyeey la shaqaynaya Ummada Islaamka ah.
"Waxaad maanta arkaysaa kuwa cadaawadda Islaamka la soo baxay ee caddaystay. Donald Trump wuxuu sheegay in toddoba dal oo Islaam ahi xududihiisa mamnuuc ka yihiin oo ay ugu horrayso Soomaaliya oo qashinkoodan waan qubayaa sida uu sheegayo ayuu qashinkoodii soo qubay. Maxaad la barooranaysaa haddii Ameerika lagaa soo mustafuriyey oo waddankaagii lagugu soo celiyey? Waxaad tidhaahdaa Illaahayoow waddankayaga khayr iyo barwaaqo igu sii.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Sunne
Sheekh Aadan-Sunne oo sii wata hadalkiisa, waxa uu yidhi; "Annagu waxaannu leenahay Halyeeygaa Ameerika ka soo baxayoow waxaad tahay Nin wanaagsan oo Ummadda Islaamka ah la shaqaynaya, oo aayahooga iyo dalkooda u soo noqdaan baad tahaye, Dadka isa-soo dhaafi oo waddammadooda ku soo celi, Annagaa u baahan oo gacmo furan ku soo dhawaynaynee.”
Xigasho Wargeyska Ogaal
"Donald Trump waa Nin Wanaagsan oo Halyeey ah oo Ummadda Islaamka la Shaqaynaya.." Sh. Aadan-Sunne
Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sh. Aadan-Sunne) oo ka mid ah Culimada Somaliland, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay go'aanka uu Madaxweynaha Maraykanku ku xayiray Dadka Toddoba dal oo Muslimiin ahi inay u safri karaan Maraykanka.4