Eden Hazard Oo Sharaxay Qaladka Ugu Weyn Oo Ay Arsenal Sameeyeen Kulankii Ay Guuldarada Kasoo Qaateen Stamford Bridge

0
Monday February 06, 2017 - 12:50:20 in by Burco Office
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eden Hazard Oo Sharaxay Qaladka Ugu Weyn Oo Ay Arsenal Sameeyeen Kulankii Ay Guuldarada Kasoo Qaateen Stamford Bridge

    Garabka xulka qaranka Belgium-ka iyo kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa sharaxay qaladka ugu weyn oo ay sameeyeen ciyaartoyda Arsenal kulankii ay qasaaraha kasoo qaateen garoonka Stamford Bridge markaas oo uu Eden Hazard soo bandhigay qaab ciyaareed ilq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garabka xulka qaranka Belgium-ka iyo kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa sharaxay qaladka ugu weyn oo ay sameeyeen ciyaartoyda Arsenal kulankii ay qasaaraha kasoo qaateen garoonka Stamford Bridge markaas oo uu Eden Hazard soo bandhigay qaab ciyaareed ilqabad leh.


Eden wuxuu u muuqday mid aan ka duwaneen ciyaartoyda kale ee Chelsea ilaa daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta markaas oo uu qalad xun ku galay Shkodran Mustafi isagoo damacsanaa inuu galo xariiqda goolka wuxuuna doonayay kaliya inuu ka careysiiyo.

Si kastaba Eden wuxuu qiray in qaladkaas ay ku galeen ay aheyd wixii ugu xumaa oo ay sameeyeen madama uu ka qaaday dhiirogalin iyo geesinimo dheeri ah taasoo sababtay in wixii markaas ka dambeeyay uu ciqaabo.

"Haa, waa run. wey i dhiirigalisaa. Marka dhawr jeer la i laado, waxaan si dhab ah u dareemaa kulanka” ayuu yiri Eden. "Marka aysan dadka i taaban, waxey iiga dhigan tahay inaan waxba kama jiraan ahay. ma wanaagsani. fiiri kuma dhahayo waxaan jeclahay in la i laado, balse wey ii fiican tahay inuu kulanka sidaas ahaado”

"Waxaan isku dayaa inaan noqdo nuuca ciyaariyahan ee sidaas ah. nuuca marka uu kubadda helo wax uun sameeya. mar walba oo aan kubadda helo waxaan isku dayaa inaan wax uun sameeyo”