Dib U Milicsiga Aragtida Uu Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliya Ka Qabay Qadiyada Madax Banaanida Somaliland

0
Friday February 10, 2017 - 15:31:54 in by Burco Office
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dib U Milicsiga Aragtida Uu Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliya Ka Qabay Qadiyada Madax Banaanida Somaliland

    Madaxweynaha cusub ee Dalka Soomaaliya, oo Xalay loo doortay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ka dib markii uu helay Aqlabiyadda Codadkii ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha cusub ee Dalka Soomaaliya, oo Xalay loo doortay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ka dib markii uu helay Aqlabiyadda Codadkii ay

 doorashada ka dhiibteen Xildhibaannada Labada Aqal oo marka la isku geeyo tiradoodu ahayd 329 ayaa xilligii uu ku jiray Ololaha Doorashada wuxuu dhowr jeer ka hadlay Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland iyo sida ay uga go’an tahay inuu mar kale mideeyo Somaliland iyo Soomaaliya.


Khudbad uu Farmaajo Magaalada Muqdisho ka jeediyay 16-kii bishoo September, 2016, ayuu ku sheegay in Dhibaatada Soomaaliya ka taagan aanay bilaabin 1991-kii, laakiin ay soo bilaabantay 1960-kii, waxaanu yidhi, "Dhibka Soomaaliya ma bilaabin 1991-kii, ee waxay bilaabantay 1960-kii, Dad Soomaaliyeed ayaynu takooreynayintii ay jirtay Dawladnimadii Soomaaliyeed. Dadkii Walaalaheen ahaa ee la dhibi jiray waa in la Raali-geliyo oo Mag-dhowna la siiyo, oo aynu ka barino inay inna Cafiyaan. Dadka reer Somaliland in lala fadhiisto oo wixii ay ku Qanacsan yihiin la siiyo, maxaa yeelay annaga Midnimada ayaa wax walba nooga wayn, in lagu qanciyo wax walba oo ay rabaan, Waayo? waxaynu ka hadlaynaa maaha Afar Sanno, Ama 30 Sannadood, ee waxaynu ka hadlaynaa boqol Sannadood iyo wixii ka dambeeya, markaa Walaalaheena Reer Waqooyiga waa in Wada-hadallo dhab ah lala yeeshaa oo lagu qanciyaa waxay doonayaan, si ay Qayb uga noqdaan Midnimada.”

 

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mr. Farmaajo, ayaa helay 184 Cod, waxaana ku soo xigay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 97 Cod, halka Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka helay 46 Cod.

Waxa tartanka ka tanaasulay oo Doorashada ka hadhay Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, oo Hal-ku-dhegga uu Doorashada ku galay ahayd "Danta Dalka, Danta Dadka.” Ayaa noqonaya Madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya.

Madaxweynaha xilku ka dhamaaday oo tanaasulay markii doorashadu u gudbisay Wareeggii Saddexaad, ayaa khudbad uu halkaa ka jeediyay ugu Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, isagoo sheegay in Soomaaliya Cagta saartay Waddadii Dimuqraadiyadda.

Madaxweyne Farmaajo oo isla goobtii lagu doortay lagu dhaariyey, ayaa khudbad kooban oo uu u jeediyey Xildhibaannada doortay wuxuu u Mahad-celiyey Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xildhibaannada doortay, waxaanu ballan-qaaday inuu si Daacadnimo ah ugu shaqeyn doono Dadka reer Soomaaliya.