Djibouti:Qodobada Kaso Baxay Wajigii Labaad Ee Wadada Hadalada Somaliland Iyo Khatumo Maxuu Ku So Dhamaday?

0
Sunday February 12, 2017 - 08:14:18 in by salman abdi
  • Visits: 798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Djibouti:Qodobada Kaso Baxay Wajigii Labaad Ee Wadada Hadalada Somaliland Iyo Khatumo Maxuu Ku So Dhamaday?

    Hargeysa(AFKA);Wejiga labaad ee wadahadalka Somaliland iyo Kooxda Khaatumo oo muddo dhawr cisho ah ka socday magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa gunaanadkii laga soo saaray qodobbo kala duwan oo dhawr ah oo ay Guddiyada labada dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Wejiga labaad ee wadahadalka Somaliland iyo Kooxda Khaatumo oo muddo dhawr cisho ah ka socday magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa gunaanadkii laga soo saaray qodobbo kala duwan oo dhawr ah oo ay Guddiyada labada dhinac wadahadalka u metelayaa wada saxeexdeen.


Kulankan ay labada dhinac ku wadahadlayeen, waxa goob-joog ka ahaa Lix Xubnood oo ka kala socda dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo, isla markaana ay kala hoggaaminayeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Prof Cali Khaliif Galaydh oo ah Hoggaamiyaha Khaatumo.

Waxaana shirkaas ka soo baxay qodobbo dhawr ah, waxaana nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Warbaahinta


Afkashacabka.com. Qoddobada heshiiskan oo ka kooban shan qodob, waxa uu u dhignaa sidan:-

 

"1- Waxa dib u eegis lagu sameeyey heshiiskii 11 qodobka ka koobaan ee Addis Ababa 21-12,2016 wixii hirgalay iyo wixii aan hirgelin.

2- In taakulaynta iyo gurmadka Abaaraha Somaliland iyo Khaatumo iska kaashadaan kana wada shaqeeyaan.

3- Waxaannu ugu baaqaynaa Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ahba inay si deg-deg ah uga hawlgalaan deegaannadaasi, Abaaraha iyo horumarin la’aanta jirta awgeed.

4- In shirka Guddiyada wadahadallada Somaliland iyo Khaatumo lagu qabto Jabuuti 20.3.2017.

5- Waxaannu si wada-jir ah u canbaareynaynaa falka nabadgeliyo xumida iyo khal-khalgelinta ahaa ee Puntland ka fuliyeen Madaarka magaalada Buuhoodle 5.2.2017. Waxaannu u soo jeedinaynaa inay ka waantawdo falkaas foosha-xun iyo faro-gelintaba.” Sidaa ayaa lagu yidhi nuqulka Heshiiskaas Warbaahintu heshay ee ay isla-gaadheen Guddiyada wada-hadalka Somaliland iyo Khaatumo.

Afkashacabka.com

Hargaysa,Somaliland