Hogaamiye Xirsi Muxu ka Yidhi Xildhibanadii Xoog Iyo Garaacista Loo Adeegsaday ee laga Saaray Golaha

0
Monday February 13, 2017 - 10:32:30 in by Burco Office
  • Visits: 489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiye Xirsi Muxu ka Yidhi Xildhibanadii Xoog Iyo Garaacista Loo Adeegsaday ee laga Saaray Golaha

    Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay Dhacdadii ka dhacday golaha wakiilada Somaliland iyo heshiiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay Dhacdadii ka dhacday golaha wakiilada Somaliland iyo heshiiska

saldhiga millatari ee golaha baarlaamaanku ansixiyeen.


Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in wax uu ku sheegay foolxumadii ka dhacday golaha wakiilada aanu qayb ka ahayn isla markaana uu dibadda ka joogo aqalka Madaxtooyada, sidoo kalena Xirsi Xaaji Cali ayaa sharcidarro ku tilmaamay heshiiska ay golayaasha baarlamanku asnixiyeen.

Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay in ciidan qori sida aad dalkaaga ugu yeedho oo aad ugu baaqdo isla markaana ay ayaan daro tahay in Somaliland maanta baadi doon ugu jirto ciidan shisheeya, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

"Horta waa ilaahay mahadii haddii aan maanta Madaxtooyadii ka maqanahayoo golihii wakiilada inta la xidh-xidhay gudaha loogu galayoo qaarna la laayay qaarna la xidh-xidhay, waa ilaahay mahadii haddii aan Madaxtooyadii ka maqanahay iyadoo foolxumadaasi dhacday oo aanan ku soo gaadhin maanta, marka labaadna waxaan cambaaraynaa in xoog loo adeegsado baarlamaan aan qoryo sidan oo aan hubaysnayn oo ra’yigooda cabiraya oo heshiiskii iyo sharcigii waydiinaya in xoog loo adeegsado qaarna la xidho qaarna la laayo runtii aadbaanu xisbi ahaan u cambaaraynaynaa, waxaanu u argnaa inaanay sax ahayn, inay xad gudub tahay. marka saddexaadna waxaan ku celinaya inaanay sax ahayn inaynu ciidan qori sita ugu baaqno dalkeena iyadoo wax inagu kalifayaa aanay jirin, inaynu dalkeena nin shisheeye oo qori sita ugu baaqno, inagoo aan ictiraaf caalami ah helin oo ina siinaya inuu ina ilaalinaya.

Icitiraafka caalamiga ahi wuxuu macnaynayaa in adduunyadu kuu gurmato haddii lagu qabsado oo xoog lagaaga qaado adigoo sharciyaddaa wali helin, in ciidan qori sita aad dalkaaga ugu yeedhaa waa ayaan darro, maan filayn inaynu maanta ciidan xiiso u qabno, nimankii Somalia ee aynu kala go’nay waxay maanta la ciir-ciirayaan ciidanka yaa mar kaliya naga saara, ninkii maalintii dhawayd la doortay waad arkayseen oo wuxuu ahaa ninka kaliya ee ciidanka diidanaa ee lahaa hala saaro ayuu ahaa, inaguna maanta ciidanbaynu u baaqaynaa! miyaynu is daba maraynaa tolow, ma xumaha ayaynu isu daba marayna, waxaanu leenahay waar sharciga ha loo noqdo waa sharciga jujuubka hala daayo”.