Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Silaanyo oo Tacsi uu Diray Eheladi Iyo Qaraabadi Marxuum SuldaanMaxamuud Cabdi Axmed (War-qabe)
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Hargeisa (BurcoOnline) 14.02.2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee MarxuumSuldaan Maxamuud Cabdi Axmed (War-qabe)oo ku geeriyooday magaalada ceerigaabo ee gobolka sanaag 13/02/2017.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey suldaan taariikhda kaga tegay wax la taaban karo kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka Somaliland, ahaana shaqsi ay u dheertahay halkarnimo, degenaasho iyo dulqaad.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Silaanyo oo Tacsi uu Diray Eheladi Iyo Qaraabadi Marxuum SuldaanMaxamuud Cabdi Axmed (War-qabe)
Hargeysa(AFKA);Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa