Laba Weriye Oo Maalintii Toddobaad Xukun La'aan Ugu Xidhan Magaalada Berbera

0
Wednesday February 15, 2017 - 16:24:07 in by Burco Office
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Weriye Oo Maalintii Toddobaad Xukun La'aan Ugu Xidhan Magaalada Berbera

    Waxa Maalintii 8-aad Magaalada Berbera ku xidhan laba Wariye oo ka mid ah Suxufiyiinta ka hawl-gala Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Maalintii 8-aad Magaalada Berbera ku xidhan laba Wariye oo ka mid ah Suxufiyiinta ka hawl-gala Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Weriyeyaasha xidhan

 Weriyeyaashan oo Xidhigooda aan loo marin Sifo Sharci ah isla-markaana aan Maxkamadda la geynin, ayaa waxa xadhigooda Cambaareeyay Weriyeyaasha kale ee ka hawl-gala Magaaladaasi, waxayna sheegeen inay Xaq-darro ku xidhan yihiin.

Labada Weriye oo ka hawl-gala Telefiishanka Star iyo Waaberi isla-markaana kala ah Axmed Siciid Maxamed iyo Mubaarig Cismaan Nirig, ayaa Suxufiyiinta Xadhigooda cambaareeyay waxay Laamaha Ammaanka iyo Masuuliyiinta Xukuumadda ee Xadhigoodu khuseeyo ugu baaqay in Labada Suxufi Xorriyaddooda loo soo celiyo.
Weriye Maxamed Cabdillaahi (Soo-fadhiiste) oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa yidhi "Xadhigga labada Weriye waxaanu u aragnaa inuu yahay Xadhig Xaq-darro ah oo Sharci daro ah, waxaanu u aragnaa Xadhig gef ku ah Saxaafadda iyo Xorriyatul-qawlkaba.”
Weriye Soo-fadhiiste, wuxuu baaq u diray Laamaha Dawladda ee ku Shaqada leh arrintan, "Waxaanu ugu baaqaynaa Hay’adaha Ammaanka iyo Xukuumadda Somaliland-ba in labadaa Weriye Xorriyaddooda loo soo celiyo.” Ayuu yidhi.

Weriye kale oo Shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa yidhi, "Anigoo ah Suxufi Sidiiq Carab Saleebaan waxaan Cambaareynayaa Xadhigga iyo Tacadiga loo geystay labada Weriye ee kala ah Mubaarig Cismaan Nirig iyo Axmed Siciid Maxamed, oo ku xidhan Jeelka weyn ee Berbera. Maaha in Suxufiyiinta la ugaadhsado mar kasta ay Gobolka Saaxil ka jiraan Arrimo xaasaasi ah.”

Weriye Mukhtaar Cabdiraxmaan Maxamuud oo ah Wakiilka Ururka SOLJA ee Gobolka Saaxil, kana mid ah Suxufiyiinta ka hawl-gala Berbera, ayaa isaguna yidhi, "Weriyeyaashaas oo la leeyahay weli waa Dacwad sugayaal, waxaanu Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adaha Arrintani khuseyso u soo jeedinaynaa in Weriyeyaashaas Xorriyaddooda loo soo celiyo. Haddii dambi lagu haysatana Dacwaddooda hala soo mariyo nidaamka Madaniga ah la.”
Weriye Mukhtaar waxa kale oo uu sheegay, "Xeerka Saxaafadda iyo Dastuurka Somaliland-ba way ka hor-imanaysaa in Qof Shaqadiisa gudanaya uu Askari ilaalo ahi uu Kaladhka soo qabto oo la iska xidho, haddana Xabsiga lagu ilaawo.” Ayuu yidhi.
Waxa kale oo Xadhigga Weriyeyaasan cambaareeyay Xunbo kale oo ka mid ah bahda Saxaafadda Somaliland ee ka hawl-gala Berbera, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Yaasiin, Cabdikariin Siciid Saalax.