war Deg Deg Ah:Dad Isku Deegaan Ah Oo Ku Wada Nol Deegaanka Ceel Afwayn Oo Gordhawayd Dagaal Dhexmaray Iyo Halka U Xaalka Marayo.
Cel Afwayn(AFKA)Dagaal u dhaxeeya Dad Walaalo Ah ayaa mar kale ka qarxay degmada Ceel Afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag.
badhasaabka ayaa Warbaahinta Qarkood u sheegay inuu haatan ka baxayo magaalada Ceerigaabo isla markaana uu u soo jeedo degmada Cel Afweyn ee dagaalku ka socdo, taas oo uu ka hawl gali doono sidii dagaalka Dadka walalaha ee wada dhashay loo joojin lahaa.
Axmed Cabdi Falay ayaa wariyaha Warbahinta Afkashacabka ee gobolka Sanaag u xaqiijiyey in dagaalku bilaabmay, waxaanu sheegay in khasaaraha ka dhashay ee la soo gaadhsiiyey ilaa hada uu yahay laba qof oo dhaawac ah, waxaanu sheegay in ciidanka qaranka somaliland ee ku sugan deegaanada Ceel Afweyn ay hada ku hawlan yihiin inay kala dhex galaan Dadkan walalaha ee dagaalku u dhaxeeyo.Dagaalkan ayaa u dhaxeeya Dad isku deegaan ah hore ugu dagaalamay degmada Ceel Afweyn kuwaas oo hore loogu kala dhex dhigay heshiis nabadeed.
Sidoo kale
badhasaabka ayaa Warbaahinta Qarkood u sheegay inuu haatan ka baxayo magaalada Ceerigaabo isla markaana uu u soo jeedo degmada Cel Afweyn ee dagaalku ka socdo, taas oo uu ka hawl gali doono sidii dagaalka Dadka walalaha ee wada dhashay loo joojin lahaa.
Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Afkashacabka.com