War Deg Deg Ah: Weerar Qasaaro kala duwan dhaliyay oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

0
Saturday February 18, 2017 - 12:43:06 in by Burco Office
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: Weerar Qasaaro kala duwan dhaliyay oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

    Waxaa goordhaw kooxo hubeesan oo gaari watay weerar ku qaadeen gaari uu la socday sargaal sare oo katirsanaa Ciidanka Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya xili uu marayay agagaarka Isgooska Ceel gaabta ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goordhaw kooxo hubeesan oo gaari watay weerar ku qaadeen gaari uu la socday sargaal sare oo katirsanaa Ciidanka Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya xili uu marayay agagaarka Isgooska Ceel gaabta ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa ku waramay in Kooxo hubeesan ay rasaas ku fureen gaari uu la socday Gen Xasan Dheere oo katirsan Saraakiisha Hay'ada Nabad Sugida Qaranka marna soo noqday Taliye kuxigeenkii Nabad Sugida Qaranka xiligii uu Axmed Fiqi taliyaha ahaa.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray Gen Xasan Dheere, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhintay sida aan wararka ku heleyno hal askari oo kamid ahaa ilaalada Generaalka la weeraray halka darawalkana uu ku dhaawacmay.

Kooxihii gaariga watay ee weerarka ka dambeeyay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray daqiiqado kadib ciidamo katirsan Nabad Sugida qaranka iyo booliiska kuwaa oo goobta ka qaaday dhaawaca Generaalka iyo askarta geeriyootay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, waxaana mudooyinka Muqdisho ka yaraaday weerarada lagu fuliyo gaadiidka ay wataan dableyda hubeesan.

Waxii warar ah ee kusoo kordha weerarkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah