Kumuu ahaa Taliyaha uu Baashe Cawil u adeegsaday Baarlamaanka.

0
Sunday February 19, 2017 - 16:39:49 in by Burco Office
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumuu ahaa Taliyaha uu Baashe Cawil u adeegsaday Baarlamaanka.

    Dhacadadii Foosha xumayd ee ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Somaliland ayaa ahayd mid ku ugub ah Dalka somaliland waxaanay Bulshada reer Somaliland intooda indheer garadka ahi ka bixiyeen Dareen didmo leh,sidoo kale waxay dadku is waydiiyeen qaabka lo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacadadii Foosha xumayd ee ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Somaliland ayaa ahayd mid ku ugub ah Dalka somaliland waxaanay Bulshada reer Somaliland intooda indheer garadka ahi ka bixiyeen Dareen didmo leh,sidoo kale waxay dadku is waydiiyeen qaabka loosoo abaabulay loona soo diyaariyay inqilaabka lagu qabsaday Golaha baarlamaanka iyadoo uu sharcigu dhigayay mooshin sharci marka laga hadlaayo in uu golaha Baarlamaanku ka doodo isla markaana mudo loo siiyo inay ka baaraan degaan hadii umada dani ugu jirtona la ansixiyo hadii kalena ay diidaan,hadaba waxaa taas bedelkeeda dhacay in labada gole laysugu yeedho si awooda looga qaado Baarlamaanka iyo shir gudoonkiisa,waxaa waliba taas dheeraa in hanti iyo 

laaluusha lagu bixiyo sidii oo meel marin lahaa heshiiskan kaa fool eriga ahaa ee laga danaynanay Aqalka madaxtooyada oo uu wakiil uga yahay Inanka Madaxwaynuhu sodoga u yahay ee baashe Cawil kaas oo wakiil looga dhigay dalka imaaraadka carabta si uu u dhaxal wareejiyo Dekeda Berbera iyo dhulka saldhiga milatari ee Berbera laga bixinayo kuwaas oo lacago badan oo xaquqalin ah laga dheefayo,arinta kale ee dhacdadan ka dhacday baarlamaanka ee fashilisay sida uu u danaynayay Baashe cawil ee Bulshadu la fajacday ayaa ahayd inuu ciidamo gaar ah oo si toos ah uga mar qaadnayay isaga uu soo galiyo xarunta Baarlamaanka kuwaasi oo uu hogaaminaayay nin lagu magacaabo Gaashaanle Qushi oo ay ilmaadeer yihiin Baashe cawil kaasi oo laga dhex arkaayay isagoo xoog ku muquuninaayay baarlamaanka kazoo horjeestay ansixintan mooshinkan Baashe sida gaarka ah udanaynayay.