Dawlada Sweden oo Donald Trump ku haysata Been Cad oo uu Fagaare ka sheegay

0
Monday February 20, 2017 - 11:10:55 in by Burco Office
  • Visits: 568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Sweden oo Donald Trump ku haysata Been Cad oo uu Fagaare ka sheegay

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa laga dalbaday in uu sharaxaad ka bixiyo sababta uu u sheegay in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa laga dalbaday in uu sharaxaad ka bixiyo sababta uu u sheegay in

 fal ammaan darro uu ka dhacay dalka Sweden Jimcihii, kaas oon xaqiiqo ahaan waxba uga jirin.
Isaga oo Sabtidii khudbad u jeedinaya dad isu soo baxay ayuu yidhi, "bal fiiriya waxa habeen hore ka dhacay Sweden” isaga oo markaas tirinayay dalal Yurub ku yaalla oo ay argagixiso ka gaysteen falal ammaan darro ah.

_94736089_mediaitem94735858

Maadaama uusan wax dhib ah ka dhicin Sweden Jimcihii waxay maamulka Maraykanka ka dalbadeen in uu sharaxaad ka bixiyo arrintan.
Trump ayaana Twitterkiisa ku soo qoray in uu soo xiganayay warbixin uu Telefeshin ka daawaday
Wuxuu sheegay in uu ka daawaday warbixin uu sii daayay Fox News, laakiin ma uusan sheegin goortii ay ahayd, waxaase laga yaabaa in uu ula jeeday barnaamij Fox News ka baxay jimcihii kaas oo diiradda lagu saarayay qaxootiga iyo dambiyada ka dhaca Sweden.
Inkastoo Trump ereyadiisu ay ahaayeen "bal fiiri waxa habeen hore ka dhacay Sweden” haddana Sarah Huckabee oo ah afhayeenka Aqalka Cad ayaa si gooni ah u sheegtay in madaxweynuhu uu ka waday dambiyada sii kordhaya iyo guud ahaan dhacdooyinkii u dambeeyay, isla markaasna uusan dhacdo gooni ah ula jeedin.
Ra’iisalwasaarihii hore ee Sweden Carl Bildt ayaa ka mid ahaa dadkii ku jeesjeesay Trump hadalkiisa, isaga oo ku tilmaamay in uu "wax cabay”.