Safiirkii Ruushka Ee Qaramada Midoobay Oo Geeriyooday

0
Tuesday February 21, 2017 - 08:01:26 in by Burco Office
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirkii Ruushka Ee Qaramada Midoobay Oo Geeriyooday

    Waxa uu safiir ka ahaa Qaramada Midoobay tan iyo 2006, ayadoo si weyn loo dareemi jiray howlihiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu safiir ka ahaa Qaramada Midoobay tan iyo 2006, ayadoo si weyn loo dareemi jiray howlihiisa.

Afhayeen u hadlay hogaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka naxay geerida safiirka, isla markaana aad loogu xusuusan doono howl-karnimadiisii iyo xirfadiisii dhanka diblomaasiyadda.Safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay, Vitaly Churkin, ayaa si lama filaan ah ugu geeriyooday magaalada New York. Waxa uu maalin ka dib jirsan lahaa 65 sano.

Waxa uu safiir ka ahaa Qaramada Midoobay tan iyo 2006, ayadoo si weyn loo dareemi jiray howlihiisa.

Mar uu ahaa sarkaal daraja hoose, ayaa xukuumadda Moscow waxa ay Mr Churkin u dirtay sanadkii 1986-dii in uu ka hor marqaati furo Congress-ka Maraykanka, xilligaasi oo la baarayay musiibadii nukliyeerka ee Chernobyl.

Safiirka Britain u fadhiya Qaramada Midoobay, Matthew Rycroft, ayaa sheegay in uu aad uga argagaxay geerida Churkin, asagoo ku tilmaamay nin dabeecad wanaagsanaa isla markaana miisaan ku dhex lahaa diblomaasiyiinta.

 

 

SOURCES:BBC.