Maansada Hiil Berbera Oo Uu Tiriyay Maxamed Baashe Xaji Xasan Intaan Xabsiga Loo Taxaabin.
Maxamed Baashe Xaji Xasan oo ah abwaan/ Suxufi iyo qoraa ayaa maansadan Hiil Berbera tiriyay kahor intaan Xabsiga loo taxaabin, wuxuu kula hadlayaa hablaha rer Berbera isagoo uga digaaya
Hablaha Berberow baxsada
Burdaha bahal baa ku jira
Ragginnaan baraq lahayn
hagardaamada uga iman karta.
Hiil Berbera: Berbera is NOT for sale, NOT on our watch!
Hablaha Berberow baxsada
Baxsada oo wadda bullada
Bullada oo beerka dhiga!
Burdaha bahal baa ku jira
Ku jira wuu baahan yahay
Weliba waa booddo qabad
Dhulkana biic buu ku yimid
Baraarkana wuu rabaa
Haween ma badbaadin karo
Lugiyo bawduu rabaa
Kuwiisii wuu boqraday
Boqraday oo soo benneday
Xijaab iyo bulush u xidhay
Wuxuu u maantookhayaa
Kuwiinna baylahda ah.
Ragginnaan baraq lahayn
Lahayn oo bayr xun qaba
Waxay beledkiinni iyo
Dhulkiinna ku beerayaan
Kuwii timir ay budeen
Saliidna ku sii badhxeen
Baahida isku dhaafin jirey.
Hiil Berbera: Feeling sorry for Berbera.