Madaxweyne Obama oo Sharadkii laga Helay iyo Xulkii Waddankiisa oo ka hadhay Tartankii Koobka Addunka

0
Wednesday July 02, 2014 - 09:36:24 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Obama oo Sharadkii laga Helay iyo Xulkii Waddankiisa oo ka hadhay Tartankii Koobka Addunka

    Xulka USA Ayaa Afka Ciida Loogu Guray Lagana Saaray Koobkii Ciyaaraha Aduunka kadib Markii Dalka Belgium U Awood Sheegtay Una Gudbay Wareegii 8Aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka USA Ayaa Afka Ciida Loogu Guray Lagana Saaray Koobkii Ciyaaraha Aduunka kadib Markii Dalka Belgium U Awood Sheegtay Una Gudbay Wareegii 8Aad. Dalalka Belgium Iyo USA America ayaa ciyaari hada dhex maraysa waxaana labada xulba u Tartamaayan wareega 8 aad oo dalkii caawa laga badiyay diyaarada hore ka raacayo ka kalena la ciyaari doono Argentina oo maanta u gudubtay wareega 8aad kadib markii ay ka badisay Switzerland.

Wali wax goolal ah lama kala dhalin Belgium Iyo USA Lakiin waxaa labada dalbaa Inuu sool baxo wareega 8aad.Dalka USA ayaa cadcad caawa rabana Inuu ka badiyo Belgium Lakiin wax goola wali ma uu dhalin midna waxaana lagu guda jiraa qaybtii hore ee ciyaarta 45 daqiiqo.

Ciyaarta ayaa Kusoo dhamaatay qaybtii hore Belgium 0 USA 0.
Qaybta danbe ciyaarta ayaa laysu soo noqday kadib markii 15 daqiiqo la nastay.

Ciyaarta ayaa wakhtigii loogu talo galay ee 90 daqiiqo dhamaaday waxaana loogu daray 30 daqiiqo.

Dalka Belgium ayaa gool dhaliyay daqiiqadii 92 aad waxayna ciyaarto maraysa 1 gool Iyo waxba oo Belgium leeyahay.

Markale ayaa waxaa gool Kii labaad helay daqiiqadii 105 aad dalka Belgium waxayna ciyaartu noqotay 2-0

USA ayaa weerar soo qaaday madaama laga saarayo koobka aduunka waxaanu dhaliyay gool daqiiqadii 107 oo laba daqiiqo oo kaliyi u dhaxeeyeen Goolka Belgium ka.

Ciyaarta ayaa Kusoo dhamaatay guushuna sidaa ku raacday dalka Belgium 2-1.

Waxaa uu Belgium u gudbay wareegii 8 aad ee ciyaaraha aduunka halka USA Diyaarad ka raaci doonto fagaaraha caawa.

Madaxwaynaha USA ayaa Isna caawa daawanaayay ciyaarta Lakiin nasiib wanaag xulka USA uma gudbin wareegii 8aad.




Afkashacabka.com / Cayaaraha
Contact@afkashacabka.com