
WAKIILADA BARCELONA IYO LIVERPOOL OO LONDON ISKU ARKAYA SI AY UGA XAAJOODAAN KALA IIBSIGA LUIS SUAREZ
Haddii ay bixiso Barcelona qiimaha lagu jabin karo heshiiska weeraryahanka Liverpool Luis Suarez oo lafahamsan yahay inuu udhexeeyo 70-80 Milyan oo Yuurow, kadib waxaa macquul ah ciyaaryahanka garabka ee Blaugrana Alexis Sanchez inuu dhanka kale uwareego.
Suarez ayaa hadda qaadanaayo ganaax afar bilood ah kadib markii uu qaniinay daafaca Italy Giorgio Chiellini, balse Barca ayaa kuqanacsan inay lawareegto weeraryahankaan, Suarez ayaa dhankiisa jecel inuu uwareego magaalada uu guriga kuleeyahay ee Barcelona.
Liverpool ayaa dhankeeda ku adkeesaneeso in dhacdadii qaniinyada aysan aheyn inay saameyn kuyeelato qiimaha lagu burburin karo heshiiska Suartez, Blaugrana ayaa kuriixeeso Liverpool 35-40 iyo Alexis Sanchez oo dhankiisa lagu waramaayo in Liverpool uu kadoorbidi doono dalabka Arsenal.
Haddii uu Sanchez diido inuu qeyb kanoqdo heshiiskaan, Barcelona ayaa kuqasbanaan doonto inay bixiso qiimaha lagu burburin karo heshiiska Suarez oo dhameestiran.
WAKIILADA BARCELONA IYO LIVERPOOL OO LONDON ISKU ARKAYA SI AY UGA XAAJOODAAN KALA IIBSIGA LUIS SUAREZ
Agaasimaha Liverpool Ian Ayre ayaa London kula kulmi doono wakiilada Barcelona si ay uqaadaa dhigaan arrimaha Luis Suarez, Barcelona ayaan qarin rabitaankeeda ku aadan sidii ay ulawareegi laheyd weeraryahanka Uruguay Suarez.