Siyaasi diiddan inuu ka hadho tartanka madaxtinimada Wadanka Fransiiska.

0
Monday March 06, 2017 - 08:50:19 in by salman abdi
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi diiddan inuu ka hadho tartanka madaxtinimada Wadanka Fransiiska.

    Siyaasiga muxaafidka ah ee Faransiiska, Francois Fillon, oo lagu hayo baadhitaano la xidhiidha inuu qoyskiisa si sharci darro ah u siiyay lacago, ayaa sheegay in aanay jirin cid ku dirqiyi karta inuu ka baxo tartanka madaxtinimada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga muxaafidka ah ee Faransiiska, Francois Fillon, oo lagu hayo baadhitaano la xidhiidha inuu qoyskiisa si sharci darro ah u siiyay lacago, ayaa sheegay in aanay jirin cid ku dirqiyi karta inuu ka baxo tartanka madaxtinimada.

Waraysi uu telefishan siiyey ayuu ku nuuxnuuxsaday in ololihiisu sii socon doono inkasta oo ay xubno ka tirsanaa xisbigiisa Republican Party ka baxeen xisbiga.

Hogaamiyeyaasha xisbiga ayaa la filayaa in ay maanta oo Isniin ah go'aan ka gaadhaan tallaabadii xisbigu qaadi lahaa, iyadoo saddex xubnood oo saamayn lihi soo jeediyeen in ninkii uu tartanka kaga adkaaday oo ah Ra'isal wasaarihii hore, Alan Juppe, lagu bedelo.

Juppe laftiisa ayaa isaguna sheegay inuu saaka warbixin soo saari doono.


Xigasho/BBC Somali