Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Faah Faahisay Safar Uu Gudoomiye Aadan Xaaji Cali Ku Tagay Dalka Kenya

0
Monday March 06, 2017 - 16:28:57 in by salman abdi
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Faah Faahisay Safar Uu Gudoomiye Aadan Xaaji Cali Ku Tagay Dalka Kenya

    Gudoomiyaha Maxkamada sare ee somaliland Aadan Xaaji ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa dalka Kenya. Warsaxaafadeed ka soo baxay maxkamada sare ee somaliland ayaa lagu faah faahiyey safarka uu gudoomiye Aadan Xaaji Cali ku gaadhay dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee somaliland Aadan Xaaji ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa dalka Kenya. Warsaxaafadeed ka soo baxay maxkamada sare ee somaliland ayaa lagu faah faahiyey safarka uu gudoomiye Aadan Xaaji Cali ku gaadhay dalka Kenya, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:


 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hawlo shaqo u joogay dalka magaalada Nairobi muddo 9 maalmood ah, kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Guddoomiyihii Hore Maxkmadda Sare ee dalka Kenya, waxa kaloo uu xidhiidh la sameeyey xafiiska ugu sareeya xaga xidhiidhka Maxkamadda Sare ee Kenya. Ujeededa ugu muhiimsanayd waxa ay ahayd in la xoojiyo xidhiidhka Hay’adaha Garsoorka iyo Caddaaladda Somaliland ay la leeyihiin Wadammada Gobolka iyo kuwa caalamkaba.

 

Muddada uu safarka ku joogay Nariobi, waxa kaloo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare la kulmay haweenayda safiirka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Safiiradda dalka Denmark, safiir-ku-xigeenka dalka Jarmarka, Hay’adda Mucaawinooyinka bixisa ee GIZ oo laga leeyahay dalka Jarmalka, Hay’adda Mucaawinooyinka Dibadda u qaabilsan dalka Ingriiska (DFID), Safaaradda Maraykanka iyo Hay’adda u qaabilsan Maraykanka Mucaawinooyinka Dibadda ee USIAD. Waxa kaloo uu xidhiidh la sameeyay ururrada caalamiga ee kale ( INGOS) ee bixiya deeqaha yaryar (small Grants).

Waxa Guddoomiyuhu kala hadlay hay’adaha iyo diblomaasiyiinta uu la kulmay inay caawiyaan Hay’adaha Garsoorka iyo Caddaaladda Somaliland iyo guud ahaan ba Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu si gaar ah ugala hadlay in ay gacan ka gaystaan dib-u-habaynta Garsoorka iyo caddaaladda ee ka socday baryahan dambe Somaliland. Waxa kaloo Guddoomiyihu kala hadlay in la sii wado, gacan fiicanna laga gaysto tageeridda Maxkamaddaha, Xeer-ilaalinta, Booliiska, ciidammada Asluubta iyo Xabsiyada, Hay’adaha Socdaalka, Ururrada Qareenada, Kaalmada Adeega sharci iyo Ururrada Xuquuqal-insaanka Qaranka iyo kuwa bulshadaba.

Kulamada iyo shirarka kala duwan ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare yeeshay muddada 9-ka maalmood ah ee uu safarka ku joogay magaalada Nairobi, waxa ka soo baxay natiijo fiican oo ah in la sii wado taageerada guud ahaan la siiyo Somaliland, lana xoojiyo iyo in si gaar ah gacan loo siiyo dib-u-habaynta iyo ballaadhinta Garsoorka iyo Caddaaladda ee ka socda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu danbayn, waxa uu safarkani guul u yahay guud ahaan qaranka Somaliland iyo gaar ahaan Garsoorka iyo Caddaaladda iyo Hay’addaha kale ee la shaqeeya oo ah rukunka ugu muhiimsan ee uu leeyahay Qaran kasta oo ka jira Adduunka, waxaanay u suurogalinaysaa in ay helaan taageerada Caalamka ee ay xaqa ugu leeyihiin, waxaannu Guddoomiyuhu dib ugu soo laaban doonaa caasimadda Hargeysa maalinta Isniinta ah ee berri (maanta), haddii Ilaahay yidhaah.

 

Allaah Ayaa dhammaan Hahad iska leh

Maxkamada Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland