Kuuriyada Waqooyi oo mamnuucday in dadka u dhashay Malayshiya ay ka baxaan dalkeeda.

0
Tuesday March 07, 2017 - 10:33:19 in by salman abdi
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi oo mamnuucday in dadka u dhashay Malayshiya ay ka baxaan dalkeeda.

    Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay dadka Malayshiya u dhashay ee dalkeeda jooga ay ka mamnuucayso in ay safraan, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda dublamaasiyadeed ee ka dhalatay dilkii Kim Jong-nam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay dadka Malayshiya u dhashay ee dalkeeda jooga ay ka mamnuucayso in ay safraan, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda dublamaasiyadeed ee ka dhalatay dilkii Kim Jong-nam.


Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegtay in xayiraadan socdaalku ay taagnaan doonto inta si wanaagsan looga xalinayo arrintii ka dhacday dalka Malayshiya.

Kim oo ay walaalo yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo dibad joog ahaa ayaa Malayshiya lagu dilay bishii hore.

Kuuriyada Waqooyina way diiday eedaymaha sheegaya in ay ka dambaysay dilkaas.

Safiirka Kuuriyada Waqooyi ayaa ka tagay Malayshiya Isniintii ka dib markii la eryayLahaanshaha sawirkaAP
Image captionSafiirka Kuuriyada Waqooyi ayaa ka tagay Malayshiya Isniintii ka dib markii la eryay

Waxay sidoo kale aad uga soo horjeedsatay baaritaankii Malayshiya ee dilka Kim waxayna diiday natiijadii ka soo baxday baaritaankii lagu sameeyay maydkiisa kaas oo lagu sheegay in dilka Kim loo adeegsaday kiimikada halista ah ee VX oo neerfaha waxyeesha.

Pyongyang ayaan wali xaqiijinin in maydka la hayo uu yahay Kim Jong-nam waxayse ku sheegtay muwaadin u dhashay Kuuriyada Waqooyi.

Kim ayaa ku safrayay baasaboor uu ku qoran yahay magac ka duwan kiisa.

Inkastoo Malayshiya aysan si rasmi ah dilka ugu eedaynin Kuuriyada Waqooyi, haddana waxaa jira tuhun wayn oo ku aadan in Pyongyang ay ka dambayso.

Doan Thi Huong (bidix) iyo Siti Aisyah (midig) ayaa sheegay in ay u haysteen in ay ka qaybqaadanayeen barnaamij shactiro ah oo TelefishinLahaanshaha sawirkaREUTERS/AFP
Image captionDoan Thi Huong (bidix) iyo Siti Aisyah (midig) ayaa sheegay in ay u haysteen in ay ka qaybqaadanayeen barnaamij shactiro ah oo Telefishin

Dad kala duwan oo u dhashay Kuuriyada Waqooyi ayay booliisku baadi goobayaan iyagoo lalal xiriirinayo dilka Kim.

Labo dumar ah oo u kala dhashay Indhunuusiya iyo Vietnam ayaa maxkamad loo soo taaagay dilka.

Malayshiya iyo Kuuriyada Waqooyiba waxay labadooduba eryeen danjireyaashii dalalkooda joogay.

Xigasho/BBC Somali