Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Oo Mar Kale Amar Dhinaca Socdaalka Ku Soo Rogay Lix Dal Oo Ay Somalia Ku Jirto.

0
Tuesday March 07, 2017 - 12:44:01 in by salman abdi
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Oo Mar Kale Amar Dhinaca Socdaalka Ku Soo Rogay Lix Dal Oo Ay Somalia Ku Jirto.

    Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixayamar fulineed cusub oo dadka kasoo jeeda lix dal ka mamnuucaya inay soo galaan dalka Mareykanka muddo saddex toddobaad ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixayamar fulineed cusub oo dadka kasoo jeeda lix dal ka mamnuucaya inay soo galaan dalka Mareykanka muddo saddex toddobaad ah

mayaa sidoo kale waxa uu Mareykanka ka joojinayaa inay yimaadaan dadka qaxootiga ee caalamka oo idil muddo afar bilood ah.


Amarkan cusub ayaa yimid kadib markii amarkii hore ee madaxweynaha oo dalka ka mamnuucayey dadka kasoo jeeda toddobada dal uu diiday xaakim federal ah oo ku sugan magaalada Seattle ee gobolka Washington.


Amarka cusub ayaa waxaa laga reebay oo uusan saameeneyn dadka kasoo jeeda dalka Ciraq, waxaana lagu soo koobay dadka lixda dal ee kala ah Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria, iyo Yemen.


Amarkan cusub ayaa waxaa sidoo kale uu kaga duwan yahay kii hore inuusan dhaqan galeyn durba, oo uu si buuxda u billaabanayo 16-ka bishan March.waxaana uusan saameyneyn dadka haysta sharciga degenaanshaha Mareykanka ee kasoo jeeda lixda dal ee la mamnuucay.