Malaysia: Weerar loo maleegay Boqor Salmaanka Sucuudiga oo la fashiliyey

0
Wednesday March 08, 2017 - 09:22:14 in by salman abdi
  • Visits: 588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Malaysia: Weerar loo maleegay Boqor Salmaanka Sucuudiga oo la fashiliyey

    Booliska Malaysia ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar qorshaysnaa oo ay mitidiin la tuhunsanyahay in ay Yemen ka yimaadeen qorshaynayeen in ay ku qaadaan boqorada Carbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Malaysia ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar qorshaysnaa oo ay mitidiin la tuhunsanyahay in ay Yemen ka yimaadeen qorshaynayeen in ay ku qaadaan boqorada Carbeed.

Afar qof oo Yemeniyiin ah iyo saddex qof oo kale oo eedaysaneyaal ah oo ay ku jiraan qof Malaysian ah iy mid Indonesian ahi ayaa la xidhay ka hor intii aanu Boqor Salmaan-ka Sucuudigu tegin Kuala Kumpur.

Boqorku wuxu haatan booqasho ku marayaya dalal Asia ku yaal waxaana weftigiisa ka mid ah 25 Amiir.

Sucuudi Carabiya ayaa hogaaminaya isbahaysi milatari oo dagaal kula jiray fallaagada Xuuthiyiinta ee dalka Yemen mudo laba sanadood ah.

Hase yeeshee, ilaa haatan ma cadda in muwaadiniintaa Yemen ee la xidhay ay xidhiidh la leeyihiin Xuuthiyiinta iyo in kale.

Xog laga helay xafiis sare oo ka tirsan booliska ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay in afarta qof ee la xidhay la rumaysanyahay in ay ka tirsanyihiin fallaagada Xuuthiyiinta. Laakiin xogo kale oo la helay ayaa sheegay eedaysanayaasha la xidhay xidhiidh la leeyihiin kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Xigasho/BBC Somali