Taliyaha Ciidanka Xooga Oo Amray Illaalada Hotelada Iyo Hayaddaha Inaysan Gashan Karin Tuutaha Ciidanka

0
Wednesday March 08, 2017 - 11:37:59 in by salman abdi
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Xooga Oo Amray Illaalada Hotelada Iyo Hayaddaha Inaysan Gashan Karin Tuutaha Ciidanka

    Muqdisho(AFKA);Taliyaha ayaa ku amray hay’daha in ay sameystaan dhar u gaar ah,waxaana uu Ciidamada amniga ee Dowladda faray in ay soo qabtaan qofkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Taliyaha ayaa ku amray hay’daha in ay sameystaan dhar u gaar ah,waxaana uu Ciidamada amniga ee Dowladda faray in ay soo qabtaan qofkii

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Somaliya Maxamed Axmed Aadan,ayaa waxa uu sheegay in Hay’adaha gaarka loo leeyahay ee amniga ka shaqeeya ay dowladda kala xisaabtameyso dharka ay wataan ilaaladooda iyo Ciidanka u diiwaan gashan.Dowladda Federaalka ah ayaa amaro cusub ku soo rogtay Hay’adaha amniga ee gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada Somaliyed ee ka ganacsada dharka Ciidanka.

Taliyaha ayaa ku amray hay’daha in ay sameystaan dhar u gaar ah,waxaana uu Ciidamada amniga ee Dowladda faray in ay soo qabtaan qofkii ay ku arkaan isaga oo lebisan dharka Ciidanka Somaliya qeybihiisa kala duwan.

Taliyaha ayaa dhanka kale waxaa uu digniin u diray Ganacsatada ka ganacsatada dharka Ciidanka waxaana uu


ku amray in aysan iibin karin dharka Ciidanka dukaankii lagu arko isaga oo dhar Ciidan iibinaya in ay Ciidanka qaban doonaan islamarkaana la horgeyn doono Maxkamada.

 

 

Sources: universaltvsomali