Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Haweenka Somaliland Ku Hambalyeeyey Munaasibada 8-da March

0
Wednesday March 08, 2017 - 14:21:08 in by salman abdi
  • Visits: 512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Haweenka Somaliland Ku Hambalyeeyey Munaasibada 8-da March

    Hargeysa(AFKA);Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka

Somaliland wuxuu dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u dirayaa Haweenka Somaliland meel kastoo ay joogaan guddo iyo dibedba, iyo guud ahaanba Haween-weynaha Adduunku u dabaal-deggayaan Maalinta 8daMarch, oo ah maalin Caalamiya loona aqoonsaday inay gaar u noqoto Haween weynaha adduunka.


Dhambaalkiisan hambalyada ah, Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ku sifeeyey haweenka laf-dhabar iyo Xoog mug iyo miisaan ku leh nolosha bulshada, dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu munaasibadda 8daMarch awgeed, Haweenka Somaliland u rajeeyey inay xuskan kiisa kale ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo nabadgelyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Xuseen

Aadan Cige (Deyr)

 

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.