Ceerigaabo:Qaar Ka Mida Xaafadaha Magaalada Ceerigaabo Oo Tuugtu Faro Baas Ku Hayso,Dhac Iyo Boob Ay Geysteen+Moganaanta Dawladda

0
Friday March 10, 2017 - 11:57:24 in by salman abdi
  • Visits: 2191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ceerigaabo:Qaar Ka Mida Xaafadaha Magaalada Ceerigaabo Oo Tuugtu Faro Baas Ku Hayso,Dhac Iyo Boob Ay Geysteen+Moganaanta Dawladda

    Beryihii U Danbeeyay Qaar kamida Xaafada Magaalada Ceerigaabo Waxa Ay Ka Cabanayeen Tuug Dhalinyaro ah Kuwaas Oo Fara Ba,an Ku Haya Dumarka iyo Dhalinyara Xiliyada Habeenkii iyo Weliba Sidoo kale Dukan Xafadeedyada Magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beryihii U Danbeeyay Qaar kamida Xaafada Magaalada Ceerigaabo Waxa Ay Ka Cabanayeen Tuug Dhalinyaro ah Kuwaas Oo Fara Ba,an Ku Haya Dumarka iyo Dhalinyara Xiliyada Habeenkii iyo Weliba Sidoo kale Dukan Xafadeedyada Magaaladaasi.

Hooyo Sahra Saalax Cismaan Waa Mid Kamida Dadka Dhacdadaasi Ku Dhacday Waxayna Noo Sheegtay In Goor Fiidnimo ah Gerigeeda Oo Albaabkau U Furanyahay Oo Inanteedu Dukaan Ku Dhow Waxa Ka Soo Ibinaysay loo Dhaafay isla Markaasina Ay Tuugtaasi Guriga Gudaha U Galeen Oo Ay Isku Dayeen In Ay ka Baadhaan waxay ka Qaataan Hase Yeeshee Markiiba Waxa Soo Gaadhay inantii OO Si Kedis ah Albabka Guriga ay Ku Kulmeen Waxayna Sheegtay In Xiligaasi Ay Siteen Shendad Oo Ay Isku Dayeen In Ay La Baxsadaan Laakiin Umay Suura Gelin .

Hadaba Tuugtan Oo Aan Intooda Badan La Aqoonsan Wejiyadooda Ayaa Waxay Fara Ba,an Ku Hayaan xaafadah magaalada Ceerigaabo Qaar Kood .

Waxayna Arintani Hadii Aan Si Dhaqso ah Wax Looga Qaban Abuuri Doontaa Xasilooni La.aan Soo Wajahda dadka Xaafadaha Magalada Ceerigabo Lama Garan Karo talaabada Ciidamada Booliis Gobolka Sanaag Ay Ka Qaadi Doonan Dhacdooyinkan Kala Danbeeyay