War Deg Deg Ah:Madxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay In Imaaraatka Saldhig Milatari ka sameesanayaan Puntland

0
Saturday March 11, 2017 - 14:12:02 in by Burco Office
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Madxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay In Imaaraatka Saldhig Milatari ka sameesanayaan Puntland

    Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay warar maalmahan si weyn loo hadal hayay oo ku aadanaa in dowlada Imaaraatka Carabta saldhig milatari ka sameesaneyso Deegaanada Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay warar maalmahan si weyn loo hadal hayay oo ku aadanaa in dowlada Imaaraatka Carabta saldhig milatari ka sameesaneyso Deegaanada Puntland.

C/Weli Gaas ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Dowlada Imaaraatka saldhig Milatari ka furaneyso Puntland, waxa uuna tilmaamay in xitaa aysan jirin rajo ku aadan in Imaarataka mustaqbalka uu saldhig milatari ka furto Puntland.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in dowlada Imaaraatka Carabta ay dhinacyo badan ka taageerto maamulkiisa, waxa uuna xusay in aysan qarsooneyn taageerada ay ka helaan Imaaraatka sida tababarka ay siiyaan ciidanka Badda Puntland.

''Wararka meelaha laga sheegayo waa waxbo kama jiraan, saldhig milatari oo Imaaraatka ka furanyo Puntland ma jiro xitaa mid hada ka bacdi aan rajreeneyno ma jirto, Imaaraatka waxa ay naga taageeraan tabarida ciidanka sida kuwa Badda'' Ayuu yiri Gaas.

Hadalka kasoo baxay Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xili maalmahan soo baxayeen warar ku aadan in Imaaraatka uu doonayo in saldhig labaad uu ka dhigto Puntland, waxaana horey u jiray dooda ka dhalatay in garoonka Diyaaradaha Berbera oo lagu wareejiyay Imaaraatka .