Qaramadda Midoobay Oo Digniin Culus Ka Soo Saartay Heerka Gaajada Ka Jirta Waddamo dhowr oo Kamida Qaarada Afrika

0
Saturday March 11, 2017 - 14:17:17 in by Burco Office
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramadda Midoobay Oo Digniin Culus Ka Soo Saartay Heerka Gaajada Ka Jirta Waddamo dhowr oo Kamida Qaarada Afrika

    Madaxa hawlaha bani'aadminimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dunidu ay wajahayso dhibaatadii bani'aadminimo ee ugu weynayd tan iyo markii la aasaasay Qaramada Midoobay 1945kii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa hawlaha bani'aadminimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dunidu ay wajahayso dhibaatadii bani'aadminimo ee ugu weynayd tan iyo markii la aasaasay Qaramada Midoobay 1945kii.

Stephen O’Brien ayaa u sheegay golaha amaanka in tiro ka badan 20 Malyan oo qof oo ku nool afar dal oo kala ah Suudaanta koofureed, Yemen, Soomaaliya iyo Nayjeeriya ay wajahayaan gaajo iyo macaluul, haddii aan la helin dadaal loo dhan yahay oo caalami ahna ay dad badan dhiman doonaan.

 
Mr O’brien wuxuu sheegay in baahida ugu daran ay ka jirto Yemen, halkaasoo 3 meelood oo meel dadka dalkaas ku nool ay khatar ku jiraan, ayadoo xaaladdana ay sii xumaanayso.
Waa digniintii ugu dambaysay ee ka soo baxda Qaramada Midoobay oo ah in aysan haysan imkaaniyaadkii ay wax uga qaban lahaayeen mushaakilkan sii darsanaya ee dalal badan ka jira.