"Dulman"Maanso Cusub W/C" Hal- abuur Habaysane

0
Sunday March 12, 2017 - 14:46:45 in by salman abdi
  • Visits: 2534
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 4 0
  • Share via Social Media

    "Dulman"Maanso Cusub W/C" Hal- abuur Habaysane

    Dulman Waa maanso si dareen iyo damqasho leh ugu hadlaysa waayaha dalka iyo duruufaha kala duwan ee lagu jiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dulman Waa maanso si dareen iyo damqasho leh ugu hadlaysa waayaha dalka iyo duruufaha kala duwan ee lagu jiro
waxay na tooshka ku ifinaysaa si hubanti ahna u hujuumaysaa danaystaha iyo qabiilka bulshada daashaday ee dabar gooyey . curiyaheeda iyo calan sideheedu waa hal abuur cusub oo aad u da yar oo oo hadana intiisa duq ku ah waana” Ibraahin Xuseen Aw- Jaamac Jibriil Xagar "habaysane”

"Dulman”Maanso Cusub oo uu curiyey
Hal- abuur Habaysane

Dulman waxa ay tidhi:
Suugaantu waa deeq
Daayin uu ku siiyoo
Dadku aanay bixin karin

Anna deelka maansada
Waxaan ugu dirsoocaa
Gobannimo ku dirirkiyo
Danyartiyo saboolkiyo
Dulmaha la quudhsaday
Kuma doona magac iyo
Darajiyo hummaaggeed!

Haantii dalaysnayd
Lingaxeedii dabranaa
Dooblayda wadatee
Sheekadeedu durugtay
Nin dirkeeda doonow
Dabacsani ha faallayn!

Ubaxlow dabuubtiyo
Deelleyda maansada
Hadba daw u jeedda leh
Adigaa diwaankiyo
Duug reebta dhigayee
Xaajadan ku soo durug
Hadalkan I deeqsii
Diilalyada xanuunkiyo
Damqashada cuslaatiyo
Dalandoolka sheekada
Waxaan uga danleeyahay
Dayaxiyo cadceeddii
Dulmibaa hadheeyoo
Deebaaq ku reeboo
Dhulku waa habeen dam ah
Deel qaafna uma odhan

Weedhsamow dagaalkiyo
Daabkiyo billaawaha
Dawliilka godobtiyo
Dalka aan ka hadalnee
Dulucdiyo u jeeddada
Daacaddiyo runtii maye
 
Ninka duunyadeenii
Dusha aan ka saarnee
Dahabkiyo xariirtiyo
Darajada u xidhaybaa
Dacar iyo dhunkaaliyo
Dabin iyo shirqooliyo
Bohol noo dadaayoo
Dab inagu shidaayee
Miyaan eedi daba ool?
Sharciguna dabbaalayn
Xeer laba dibleeyiyo
Cidi ‘dooh’ ku odhanayn ?

Aftartaas dheh deelleey
Gabay doorka manta ah
Waayaha ka daba tagay
Waa damaq abwaan yidhi
Dajay oo hadana dhigay
Wali dooddu ii furan
 
Soo doogyey nabarkii
Waxaan uga danleeyahay
Gacalkuna is diidyoo
Doc-doc weeye shicibkii
Dirir baa dhextaaloo
Dayr baa u kala xidhan
Doorkan aan u baaqee
Danbi qabe ha joogee
Kumaa boobay duunyada
Ama dooxday maandeeq?
Dafiraaddu waa ceeb
Yaa diray dillaalada ?
Ka kacoo dagaalama
Degta qoriga saarta
 
Afartaa dheh deelleey

Waxa iga dardaan ah
Da’yartii dhulkaygaay
Ubaxii dalkaygoow
Nin dugsada qabiilbaa
Dibnihiisa laga helay
Sixir barar ku daashaday
Dabaqadaha waawayn
Dadku kala sarraysii
 
Ubaxii dalkaygoow
Nin xumaha daneeyiyo
Ka dugsada qabiilkaad
U durbaana tumaysaan

Afka lama dabooshee
Xaqa aan ku daakiro
Danta aan u dhiidhiyo
Idinkaa dagdagayee
Darimada qabiilkiyo
Haysku tumin durbaannada

Sharcigiyo dastuurkii
laga furay daboolkii
Meeyey diin ku dhaqankii
Sawtan balo la dabagalay !

Digashada saboolkiyo
Diihaalku fara baday
Waxba yey la daaq tegin
Aan soo dabbaalee
Waxaan deelka kaga baxay
Dayixii madoobaa !