
XULALKA GERMANY IYO FRANCE OO CAAWA FOODA IS-DARI DOONA IYO SAADAASHA KOOXWALIBA FILAYSO INAY UGU GUDUBTU WAREEGA SEMI-FINALKA. FIKIRKAAGA
fooda isku dari doonaan labada Wadan ee Jaarka ah isla markaana ku Xafiiltamaya in uu mid waliba ugudbi doonta Wareega simi-fanalka .
France ayaa ka yaabsataydadbadan iyagoo durbaba noqday xul u sharaxan Koobka Adduunka laakiin waxa ay wajahayaan kulankoodii ugu adkaa ilaa iyo haatan iyadoo ka horimaanaya xulka ay xafiiltamaan eeGermanyoo ay isku arkayaan wareega 8da Koobka Adduunka ciyaar caawa ka dhaceysa Maracana Stadium ee magaalada Rio de Janeiro.
France ayaa dhalisay 10 gool afar kulan oo ay ku ciyaareenBrazil, waxaana ay durbaba soo ceshteen qeyb ka mid ah sharaftooda ka dib markii ay si xun ugu hareen wareega koowaad Koobkii Adduunka ee 2010.
Waxa ay kaliya ka heystaan xusuus xun labadii Koob Adduun ee ugu danbeysay ee ay wajaheen Germany, iyagoo lagu reebay semi-finalkii Koobkii Adduunka 1982 ee ka dhacaySPAIN. Afar sanno ka dib Jarmalka ayuu ahaa marKALExulkii tirtiray riyadiiFranceiyagoo 2-0 ku suuldaaray Koobkii Adduunka ee ka dhacay Mexico.
Germany ayaa soo dhawaatay labadii Koob Adduun ee ugu danbeysay iyagoo soo gaaray wareega afar dhamaadka laakiin riyadooda halkaas ayay ku aasmeysay mar walba.
Ka dib markii ay u shaqeysteen inay waqtigii dheeriga ahaa 2-1 kaga badiyaan Algeria wareegii 16ka, Jarmalka ayaa wajahaya cadaadis badan oo kaga imaanaya jamaahiirtooda, kuwaasoo doonaya inay soo gabagabeeyaan abaartooda ka heysata Koobka Adduunka.
Calaamad su’aal ayaa dulsaaray daafaca aan hagaagsaneyn ee tababare Low, iyo sida uu jawaab uga bixin doono kulankoodii ugu adkaa ila aiyo haatan koobka, iyadoo weeraryahanada France Karim Benzema, Olivier Guroud iyo Antonie Griezmanna ayaa halis weyn ku yihiin.
Kulanka: France v Germany
Garoonka: Estádio Maracanã, Rio de Janeiro
Waqtiga: July 04, 7pm waqtiga geeska Afrika
Shaxda Macquulka Ah:
Germany: Neuer; Höwedes, Hummels, Mertesacker, Boateng; Schweinsteiger, Lahm, Kroos; Götze, Özil, Müller.
France: Lioris; Debuchy, Koscienly, Varane, Evra; Sissoko, Valbuena, Matuidi, Pogba; Griezmann, Benzema.
Kulankoodii ugu danbeysay: Germany ayaa gadaal ka soo kabsatay oo 2-1 ku garaacday France kulan ka dhacayPariska dib goolal ka yimid Thomas Muller iyo Sami Khedira.
Fool ka fool: Kulankaan waa kulankoodii 26aad ee dhexmara labada dal. France waxa ay badisay 11 jeer, Germany waxa ay badisay sideed jeer, halka lix kulan kale ay barbaro galeen.
XULALKA GERMANY IYO FRANCE OO CAAWA FOODA IS-DARI DOONA IYO SAADAASHA KOOXWALIBA FILAYSO INAY UGU GUDUBTU WAREEGA SEMI-FINALKA. FIKIRKAAGA
Ciyaarta galabta Dhex mari doonta labada Xul ee France iyo Germany ayaa Noqonaysa Ciyaar Xiiso badan oo Saadaasheedu adagtahay isla markaana ay