Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Toddobaadkan Safar Ugu Baxaya Ingiriiska, Siina Maraya Itoobiya lana filayo inay kawada hadlaan xudud xidhan oo udhaxeya Labada Dal

0
Saturday July 05, 2014 - 10:43:25 in by salman abdi
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Toddobaadkan Safar Ugu Baxaya Ingiriiska, Siina Maraya Itoobiya lana filayo inay kawada hadlaan xudud xidhan oo udhaxeya Labada Dal

    Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la sheegay inuu toddobaadkan safar ugu baxayo dalka boqortooyada Ingiriiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la sheegay inuu toddobaadkan safar ugu baxayo dalka boqortooyada Ingiriiska.

 

Madaxwaynaha Somaliland oo ay safarkiisa ku wehelin doonaan xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa la wariyey inuu socdaalkiisa ku sii mari doono caasimadda dalka Itoobiya ee Addis-ababa.

Ilaa hadda si rasmiya looma oga ujeeddada safarka Madaxweynuhu ku tagayo dalka Ingiriiska, isla-markaana uu ku sii marayo dalka Itoobiya, laakiin ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo ay ka helayaan warbaahint qarkoodu xaqiijiyey in Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu labada maalmood ee soo socda midkood u amba-baxayo dalka Ingiriiska.

Ka sakow Safarka Madaxwaynuhu ku tagayo dalka Ingiriiska, waxa uu sii marayaa Magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya, iyada oo la filayo inuu halkaasi kula kulmo madaxda dawladda Itoobiya, kana wada hadlaan xaaladda wakhtigan ee xidhiidhka labada waddan, maadaama oo uu safarkani ku soo beegmayo xilli ay Itoobiya xidhay xuduudka ay la wadaagto Somaliland.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo dhowr jeer Magaalada Addis-ababa u tagay inuu kala soo hadlo arrimaha la xidhiidha xidhnaanshaha xuduudka, ayaan haddana arrintaasi wax la taaban karo aan ka soo hoynin, iyada oo ilaa hadda uu xuduudka labada waddan xidhan yahay. Inkasta oo Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland uu doraad saxaafadda u sheegay in arrimo ammaanka la xidhiidha loo xidhay xuduudka

 



Afkashacabka.com
 Hargaysa/Office 
Contact@afkashacabka.com