Tijaabo gantaal oo ka 'fashilmay' Kuuriyada Woqooyi

0
Wednesday March 22, 2017 - 08:06:17 in by salman abdi
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tijaabo gantaal oo ka 'fashilmay' Kuuriyada Woqooyi

    Gantaal ay tijaabin lahayd Kuuriyada Woqooyi ayaa fashilmay, sida laga soo xigtay waaxda difaaca ee dalka ay deriska yihiin ee Kuuriyada Koonfureed. Tijaabada madaafiicda ayaa lagu sameeyay magaalada xeebta ku taalla ee Wonsan, balse macadda tirad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gantaal ay tijaabin lahayd Kuuriyada Woqooyi ayaa fashilmay, sida laga soo xigtay waaxda difaaca ee dalka ay deriska yihiin ee Kuuriyada Koonfureed. Tijaabada madaafiicda ayaa lagu sameeyay magaalada xeebta ku taalla ee Wonsan, balse macadda tirada gantaallada la tijaabiyay iyo noocyada ay ahaayeen.


Qaradama Midoobeey ayaaa Kuuriyada Woqooyi ka mamnuucday tijaaabada gantaaallada iyo nukliyerka.

Sikastaba, maamulka Pyongyang wuxuu si joogto ah u tijaabinayay madaafiic kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa qaada sunta nukliyerka.

Horraaantii bishan, Kuuriyada Woqooyi waxay tijaabisay afar gantaal oo gaadi kara illaaa kun kilomitir, waxayna ku dheceen badda Japan.

Tijaabadaasi ugu dambeysay waxaa loo arkay inay jawaab u ahayd dhaqdhaqaaqa ciidan ee sida sanadlaha ah ay u sameeyaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Xukuumada Pyongyang waxay u aragtaa dhoolatuskaasi mid daandaansi ku ah.

Militariga dalka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay qabteen gantaal Kuuriyada Woqooyi ay riday oo ilbiriqsiyo gudahood ku qarxay.