Kenya oo sheegtay inay Jubbada hoose ku dishay dagaalyahano Shabaab ah hubna ay qabsadeen

0
Monday March 27, 2017 - 12:20:04 in by salman abdi
  • Visits: 677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo sheegtay inay Jubbada hoose ku dishay dagaalyahano Shabaab ah hubna ay qabsadeen

    Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegtay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Jubbada hoose inay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo gaaraya 31 ruux. Sarkaal u hadlay ciidamada Difaaca dalka Kenya oo lagu magacaabo Joseph Owuoth, ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegtay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Jubbada hoose inay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo gaaraya 31 ruux. Sarkaal u hadlay ciidamada Difaaca dalka Kenya oo lagu magacaabo Joseph Owuoth, ayaa sheegay diyaarado Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya inay duqeeyeen Saldhig Shabaab ay ku sugnaayeen oo 17-KM u jirta Degmada Badhaadhe.

Waxa ay sheegeen Saraakiisha Kenya inta ay xaqiijiyeen hadda inay dileen 31 ruux oo Shabaab ah, sidoo kale ay gacanta ku dhigeen saanad Millitari oo Shabaab ay leeyihiin.

Joseph Owuoth, waxa uu tilmaamay ciidamada inay qabsadeen 11 Qori oo Ak47 ah, labo xabadooda oo xabadaha taangiyada ah, Miinooyin, qalab Isgaarsiin iyo darees ciidan oo Shabaab ay leeyihiin.

"Xogo Sirdoon oo aan helnay, ayaa naga caawiyay fulinta weerarkaasi oo aan u adeegsanay Diyaarado Helicopter ah, ciidamadeena dhulka ah ayaana weerarka qayb ka ahaa.” Ayuu yiri Sarkaalkaas ka tirsan ciidamada Kenya.

Majirto ilo ka madax banaan Saraakiisha dowladda Kenya oo xaqiijinaya in ciidamada Shabaab oo intaasi la eeg lagu dilay weerarka diyaaradaha Kenya ay fuliyeen Axadii shalay galab.

Al Shabaab iyo Kenya ayaa dagaal wuxuu ku dhexmaraa inta badan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana adag helida macluumaadka saxda ah ee dagaalka, iyadoo ay sii dheer tahay taasi barobagaandada labada dhinac ay faafiyaan.