"Annaga Reer Buuhoodle Nooma Roona, Anigana Waxa Ay Ii Haystaan Sidii Mus-Cagaleydii Oo Kale Oo Waxay Leeyihiin Afkaanu Doog Ku Cunnay Miyaanu Caws Ku Cunaynaa….

0
Monday March 27, 2017 - 12:21:42 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Annaga Reer Buuhoodle Nooma Roona, Anigana Waxa Ay Ii Haystaan Sidii Mus-Cagaleydii Oo Kale Oo Waxay Leeyihiin Afkaanu Doog Ku Cunnay Miyaanu Caws Ku Cunaynaa….

    "Annaga Reer Buuhoodle Nooma Roona, Anigana Waxa Ay Ii Haystaan Sidii Mus-Cagaleydii Oo Kale Oo Waxay Leeyihiin Afkaanu Doog Ku Cunnay Miyaanu Caws Ku Cunaynaa….

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Annaga Reer Buuhoodle Nooma Roona, Anigana Waxa Ay Ii Haystaan Sidii Mus-Cagaleydii Oo Kale Oo Waxay Leeyihiin Afkaanu Doog Ku Cunnay Miyaanu Caws Ku Cunaynaa….


 

"Annaga Reer Buuhoodle Nooma Roona, Anigana Waxa Ay Ii Haystaan Sidii Mus-Cagaleydii Oo Kale Oo Waxay Leeyihiin Afkaanu Doog Ku Cunnay Miyaanu Caws Ku Cunaynaa….” "Annaga Reer Buuhoodle Nooma Roona, Anigana Waxa Ay Ii Haystaan Sidii Mus-Cagaleydii Oo Kale Oo Waxay Leeyihiin Afkaanu Doog Ku Cunnay Miyaanu Caws Ku Cunaynaa….” Cali Khaliif. Hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa si weyn uga calaacalay dhibaatada iyo hagardaamada joogtada ah ee ay ku hayaan nabad-diidka ku dhaqan magaalada Buuhoodle oo uu muddooyinkii dambe xarun ka dhigtay, waxana uu muujiyey inuu bah-dilaad aan loo dulqaadan Karin ku qabo magaalada gudaheeda. Cali Khaliif oo isaga oo magaalada Dubai ee Isu tagga Imaaraadka Carabta ku sugan la hadlayey jaaliyad ku abtirsata deegaannada uu kasoo jeeda, ayaa hortooda ka akhriyey dhibaatooyin is qoorsaday oo uu si joogto ah ugala kulmo dadka ku dhaqan magaalada Buuhoodle oo uu xusay inay haybtiisa darteed u diidan yihiin. Hoggaamiiye Cali Khaliif waxa uu tilmaamay inay xaaladdu gaadhay in inta cod baahiyayaal lasoo qaato guriga uu deggen yahay hortiisa looga sheego inuu ka baxo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, "Intii aan Somaliland iyo Puntland ina soo gaadhin cadowga ugu weyn ee aynu leenahay ee reer Sool, Sanaag iyo Ceyn waa innaga uun, annagu Buuhoodle ayaanu joognaa oo reer Buuhoodle nooma roona, anigana waxa ay ii haystaan sidii Mus-cagoleydii oo kale oo waxay leeyihiin afkaanu cagaar iyo doog ku cunnay miyaanu caws iyo wax la mid ah ku cunaynaa, inta ii hanjabaysa iyada oo mikrofoon sidata maalin walba guriga aan deggenahay igu soo maraysa ee car halkaas kasoo deg lihi tiro ma laha.” Isaga oo hadalkiisa waxa uu sheegay dadka deegaanadaasi aanay wax maamul la yidhaahdoba rabin oo madax mareen qolyo fidnada iyo kala dambayn la’aanta ka macaashaa, "Waa laga yaabaa in dadka qaarkii yidhaahdaan reer Buuhoodle waxaanay rabin qolyo biyo xarfaday cabbay oo xaggaas iyo Nugaal ka yimi, laakiin sidaas ma ahee maamul baynaan rabin, waayo Xaglo-toosiye iyo Indho-sheel-ba reer Buuhoodle ayey ahaayeen, ciddii odhan lahayd qolyaha maanta maamulka haya ayaa shiddada wada waxan leeyahay maamul baan la rabin oo dad bay sidan ugu badisaa,” ayuu yidhi Cali Khaliif. Cali Khaliif waxa uu intaas ku daray, "Dadbaa meel walba intay is liqdaaraan odhanaya annagaa reer Hebel ah oo meesha masuul ka ah oo dadka u badan, goormaa la ina tiriyey, ilaa Ina Cabdalle Xasan-na dadka iyo xooluhuba way bateen, haddana meel aynu isku tirinay ma jirto.” Waxa uu sheegay in tiro yar oo kooban umadda qasayso ilaa inta la iska qabanayona aanay deegaannada Bariga Somaliland asaagood la tallaabsan karaynin,”Ama dadka ugu badnow ama kuwa laga badan yahayba noqo oo xaq ma u leenahay inaynu Soomaalida kale la sinnaano, mise weynu ka liidanaa, dadkase lagama liitee inta ina qasaysa haddii la isku dardaro 100-qof kama badna, cid walbana way leeyihiin, gabdhuhuna kuma jiraan kuwaas waayo markay hadlayaan waxa ay yidhaahdaan miyaad aragteen gabdho annaga ah oo Baabuur laga soo siinayo Hargeysa, mase aragteen kuwo Garowe intay tagaan odhanaya anagaa xildhibaanka magacaabayna,” ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.