Madaxweynaha Maraykanka Oo La Filayo In Wiil Uu Sodog U Yahay Madax Uga Dhigo Xafiiska Dib U Habaynta Federaalka

0
Monday March 27, 2017 - 18:35:06 in by salman abdi
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maraykanka Oo La Filayo In Wiil Uu Sodog U Yahay Madax Uga Dhigo Xafiiska Dib U Habaynta Federaalka

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa la filayaa in uu shaaciyo qeyb cusub oo ka mid ah Aqalka Cad oo u qaabilsanaan doonto dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka federaalka ee Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa la filayaa in uu shaaciyo qeyb cusub oo ka mid ah Aqalka Cad oo u qaabilsanaan doonto dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka federaalka ee Mareykanka.



Wargeyska Washington Post oo ka warramay tallaabadan cusub, wuxuu ku tilmaamay xafiiskan cusub "kooxda burburinta" ee maamulkii hore ee ganacsiga gaarka ah.Qeybtaas waxaa la filayaa in uu hogaamiyo wiilka uu sodogga u yahay Madaxweyne Trump ee Jared Kushner.

Xafiiskan cusub wuxuu lahaan doonaa awood ballaadhan oo uu wax kaga badalayo hannaanka dowladda, sida wargeyska uu daabacay.

Mr Kushner wuxuu Washington Post u sheegay in "dowladda ay tahay in ay u shaqeyso sida Shirkad weyn oo Mareykan ah".

 

"Waxaan rajeyneynaa in aan gaadhno guusha iyo wanaagga macaamiisheena oo ah muwaadiniinta," ayuu yidhi.

War qoraal ah oo loo diray wargeyska Washington Post, Madaxweyne Trump wuxuu ku sheegay in xafiiska cusub uu fulin doono waxyaabihii uu ololaha ku ballanqaaday.

"Dowladda oo la curyaamiyo ayaa hortaagan awoodeena aan sida wanaagsan ugu shaqeyn lahayn, aalaaba waxay sameeyaan cidhiidhi iyo dib u dhacyo", ayuu yidhi madaxweyne Trump.

Wuxuu tilmaamay in xafiiska cusub uu suura gelin doono in uu "horey ugu socdo jadwalkiisa" ee dowladda uu ugu tala galay.

Jared Kushner oo 36 sano jir ah, wuxuu ka shaqeeyaa maalgashiga dhulka, wuxuuna guursaday gabadha uu dhalay Donald Trump oo lagu magacaabo Ivanka.

Hadda wuxuu madaxweynaha kala taliyaa xidhiidhka caalamiga ah, waxaana la sheegaa in Trump uu ka caawiyay ololihii uu u galay doorashadii November.

Ninka ugu sareeya dhinaca istiraatiijiyadda ee Aqalka Cad, Steve Bannon, ayaa la filayaa in uusan door ku lahaan doonin kooxda cusub.

Mr Bannon ayaa horey ugu baaqay "baabi'inta ismaamul goboleedyada" taas oo dareen weyn dhalisay.

 

Source:-BBCsomali