Mats Hummels Oo Weeraray Joachim Low: "Inta Badan Xidigaha Bayern Munich Ayaad Xulka Ugu Yeeraa!"

0
Monday February 03, 2014 - 09:39:39 in by Super Admin
  • Visits: 1479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mats Hummels Oo Weeraray Joachim Low: "Inta Badan Xidigaha Bayern Munich Ayaad Xulka Ugu Yeeraa!"

    Daafaca naadiga B. Dortmund Mats Hummels kana mid ah xidigaha xulka Jarmalka ugu muhiimsan ayaa si dadban u weeraray falsafada macalinkiisa Joachim Low kadib markii uu Hummels ka dhawaajiyay in inta badan xidigaha Bayern Munich ku sugan ee u dhasheen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afka Shacabka
Daafaca naadiga B. Dortmund Mats Hummels kana mid ah xidigaha xulka Jarmalka ugu muhiimsan ayaa si dadban u weeraray falsafada macalinkiisa Joachim Low kadib markii uu Hummels ka dhawaajiyay in inta badan xidigaha Bayern Munich ku sugan ee u dhasheen dalka Jarmalka marwalbo la siiyo fursad ay xulka ugu cayaaraan weliba si joogto ah wuxuuna daafacan yiri
"waxaan aaminsanahay qaacidada ah hadii aad si wanaagsan u cayaartid kana tirsan yahay Bayern Munich in sida ugu dhaqsiyaha badan xulka Jarmalka loogu yeeraayo sidoo kalena boos joogto ah aad heli kartid”


 
25-jirkan 12-bilood ee ugu dambeesay booskiisii joogtada ahaa ee uu xulka Jarmalka ku lahaa ayuu lumiyay waxaana booska ka xirtay daafaca naadiga Bayern Munic Joreome Boateng sidaa darteed Mats Hummels oo ka careesay qaabka uu macalin Low ula dhaqmay ayaa hadalkiisa ku qotomay in marwalbo xidigaha Bayern ku sugan ay helaan fursad ay xulka Jarmalka ugu cayaaraan wuxuuna yiri

"hadii cayaaryahan Bayern ka tirsan uu 5-kulan si wanaagsan u cayaaro si toos ah ayuu xulkeena boos uga heli karaa balse xidigaha kale ee ku sugan Dortmund, Wolfsburg iyo kooxaha kale si walbo ay qaab cayaareed wanaagsan usoo bandhigaan uma sahlano inay boos joogto ay xulkeena ka helaan!” Hummels wuxuu kusoo bar baaray xarunta Bayern Munich balse naadiga Dortmund ayuu kusoo caan baxay sidaa darteed waxaa hubaal ah hadalka kasoo yeeray inuu siweyn ugu careesan doono maamulka sare ee kooxda Bayern Munich.