Nuxurka Go'aano ay maxkamadda sare ka soo saartay Dacwadii Xisbiga UCID ka gudbiyey Xildhibanadi iyo Mayaradi kaso Baxay UCID ee ku Biirey Kulmiye

0
Monday April 03, 2017 - 14:24:50 in by salman abdi
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Go'aano ay maxkamadda sare ka soo saartay Dacwadii Xisbiga UCID ka gudbiyey Xildhibanadi iyo Mayaradi kaso Baxay UCID ee ku Biirey Kulmiye

    Maxkamada sare ee Somaliland ayaa waxaa ay amar ka soo saartey dacwad uu dhawaan xisbiga UCID u gudbiyey oo ku saabsaneed xildhibaano ka soo baxay UCID oo dhawaan ku biiray xisbiga Kulmiye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada sare ee Somaliland ayaa waxaa ay amar ka soo saartey dacwad uu dhawaan xisbiga UCID u gudbiyey oo ku saabsaneed xildhibaano ka soo baxay UCID oo dhawaan ku biiray xisbiga Kulmiye.


Maxkamada sare ayaa waxaa ay qareenadii u doodaayey xisbiga UCID ku war galisay ama ay amartey in kiiska dacwadan ka garnaqidiisa ay xaq u leeyihiin gudida diwaangalinta iyo kala saarida ururada siyaasiga ah isla markaana ay halkaasi u gudbiyaan.

Qareenadii u doodaayey xisbiga UCID ayaa waxaa ay isla saaka ba u gudbiyeen dacwadoodii gudida diwaangalinta ururada siyaasiga ah oo ay maxkamadu amartey in loo gudbiyo

Gudida kala saarida ururada siyaasiga ah oo warbaahinta la hadley waxaa ay sheegen in markii hore ba xisbiga UCID dacwadda la ambadey isla markaasna ay iyagu xaq u leeyihiin in ay ka garnaqaan.