Budh-cad Badeeda Soomaaliya Oo Muddo Soddon Cisho Gudahood Ah Afduubay Saddex Doomood.

0
Tuesday April 04, 2017 - 16:29:34 in by salman abdi
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Budh-cad Badeeda Soomaaliya Oo Muddo Soddon Cisho Gudahood Ah Afduubay Saddex Doomood.

    Kooxaha Budhcad badeeda Soomaaliya, ayaa 30 cisho gudahooda afduubtay saddex Doomood iyo hal Markab, inkastoo markabka markii dambe lasii daayay, wada hadal kadib.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Budhcad badeeda Soomaaliya, ayaa 30 cisho gudahooda afduubtay saddex Doomood iyo hal Markab, inkastoo markabka markii dambe lasii daayay, wada hadal kadib.

Doontii ugu horeysay ee ay afduubteen ayaa waxaa laga lahaa dalka India, waxaana saarnaa 11 shaqaale, waxaana la afduubtay iyada oo u socota magaalladda Kismaayo.

Dhinaca kale, doonta labaad ayaa iyana waxaa la sheegay in laga leeyahay dalka Pakistan, waxaana hadda ay gacanta ugu jirtaa kooxaha Budhcad badeeda Soomalidda, lamana oga tirada shaqaalaha saran.

Dhinaca kale, waxaa jiray warar sheegaya in Budhcad badeeda ay afduubteen, doon ay saarnaayeen shaqaale u dhashay dalka Yaman, taasoo ay hadda u isticmaalaan weerarada ay qaadayaan.

30-kii cisho ee lasoo dhaafay


kooxda waxa ay afduubteen, hal Markab oo ay saarnaayeen shaqaale u dhashay dalka Sirilanka iyo saddex doomood, taasoo ka dhigeysa in khatarta kooxaha budhcad badeedku ay soo noqotay.