Xarunta Maxamed Mooge:- Qalinjabinta Koox Baratay Culuumta Horumarinta Aadamaha Iyo Bandhiga Buuga Iridaha Farxada + Sawiro

0
Monday July 07, 2014 - 19:46:20 in by salman abdi
  • Visits: 1275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Maxamed Mooge:- Qalinjabinta Koox Baratay Culuumta Horumarinta Aadamaha Iyo Bandhiga Buuga Iridaha Farxada + Sawiro

    Xarunta Hidaha,Dhaqanka, Akhriska, Qoraalka ee Maxamed Mooge ayaa xaflad qalin jabinta ah u qabtay 39 arday oo modo dhawr bilood ha dhiganaayayCuluumta Horumarinta Aadamaha( Human Development ) iyo sida oo kale daah furka buugaIridaha Farxada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta Hidaha,Dhaqanka, Akhriska, Qoraalka ee Maxamed Mooge ayaa xaflad qalin jabinta ah u qabtay 39 arday oo modo dhawr bilood ha dhiganaayayCuluumta Horumarinta Aadamaha( Human Development ) iyo sida oo kale daah furka buugaIridaha Farxada.

moge3

xafladan qalinjabinta ah waxa ka soo qabgalay agaasimaha guud ee wasaarada war-faafinta, agaasimaha waxbarashada gaarka ah ee wasaarada waxbarashada Muuse Maxamed Shide ,guddoomiyaha qorayasha Somaliland Axmed Cawaale, ardayda qalinbainaysay iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

mooge1

39 arday ayaa sadexdii bilood ee ugu danbeeyay qaadanaayay culuumta horumarinta bina’aadamka, ardaydan ayaa wakhtigaas ay wax dhiganayeen qaatay casharada ay ka mid yihiin sida loo samayto isla markaana loo xaqiijiyo ahdaafta, nidaaminta wakhtiga, Khariirad maskaxeedka, xirfadaha wada xidhiidhka,xirfada wax akhriska wanaagsan, NLP iyo la hadalka dadka.

mooge4mooge2

Waxaana ardaydan tabobarkan u fidiyay tababare Ibraahin Aw Xasan Ismaacil (Waabri) oo ah tabobare horumarineed iyo sida oo kale qoraa qoray laba buug iyo maqaalo tiro badan.

Ugu horayntii waxa halkaas ka hadlay madax barnaamijyada ee xarunta Maxamed Mooge Yaasiin Maxamed Faarax, oo faah faahin ka bixiyay ujeedada loo qabtay xafladaas isaga oo sheegay in xarunta ay ka qalinjabinayaan 39 arday iyo sida oo kale daahfurka buuga Iridaha Farxada.

mooge5

Sida oo kale waxa hadal dheer oo waano ah halkaas ka jeediyay agaasimaha waxbarashada gaarka ah ee wasaarada waxbarashada Muuse Maxamed Shide oo ku bogaadiyay xarunta Maxamed Mooge hawlaha muhiimka ha ay qabto.

Guddoomiyaha qorayaasha Somaliland qoraa Axmed Cawaale ayaa siguna dhankiisa ardaydaas hanbalyeeyay, waxaanu ku tilmaamay buugan Iriidaha Farxada mid u horseedi doonda dadka afka Soomaaliga ku hadla inay wax ka qoraan culuumta horumarinta aadamaha.

Cabdisalaan Maxamed Muuse oo ka mid ah xubnaha xarunta Maxamed Mooge, ayaa si qurux badan buugaas ugu soo bandhigay madashii xaflada, waxaanu inbadan oo dadkii ka soo qabgalay ah ku dhiiri galiyay inay buugaas hantiyaan si uu fure ugu noqdo waxbadan oo ay rajaynayaan.

mooge6

Qoraaga buuga isla markaasna ahaa tabobaraha ardaydan soo saaray Ibraahin Aw Xasan Waabari ayaa u mahadnaqay cid kasta oo xafladaas soo sharaftay, hadalo dhiiri galin ahna u soo jeediyay ardaydii wakhtiga dheer uu wax soo barayay.

Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Md.Maxamed Aadan Cilmi(Ilkacase), ayaa ardaydaas qalinjabisay hanbalyeeyay, una soo jeediyay hadalo dhiirigalin ah,isla markaasna ugu baaqay sidii ay shacbiga Somaliland u saamayn lahaayeen, aqoontan hurumarinta aadamahana ugu gudbin lahaayeen.

Tabobarkan ayaa ahaa mid lagu qabtay Xarnta hidaha,dhaqanka,akhriska iyo qoraalka ee Maxamed Mooge, xarunta ayaana kaalin muhiim ah ka qaadatay isku duba ridka ardaydan wakhtigii ay qaadnaysay culuumtan horumarinta aadamaha.



Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

Contact@afkashacabka.com