Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Somaliya Oo Gordhawayd Ka Badbaaday Ismidaamin Ka Dhacay Magalada Muqdisho

0
Sunday April 09, 2017 - 15:13:33 in by Super Admin
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Somaliya Oo Gordhawayd Ka Badbaaday Ismidaamin Ka Dhacay Magalada Muqdisho

    Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid), ayaa duhurnimadii maanta ka badbaaday ismiidaamin ka dhacday Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid), ayaa duhurnimadii maanta ka badbaaday ismiidaamin ka dhacday Magaalada Muqdisho.


Nin watay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa kolonyo uu la socday Taliyaha waxaa uu ku weeraray Jidka Warshadaha, gaar ahaan inta u dhaxeyso Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ex Kulliyaddii Jaalle Siyaad.

Taliyaha oo saarnaa gaari kuwo aanay rasaasta karin, ayaa ka badbaaday qaraxa, balse qaraxaasi waxaa uu waxyeeleeyay gaari caasi ahaa oo markaasi wadada maraayay.

Gaarigan oo waday rakaab, ayaa waxaa la soo sheegaya in uu ku burburay qaraxaasi, iyadoo rakaabkii saarnaana ay intoodu badan ku waxyeeloobeen qaraxa.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa waxay soo sheegayan in General Cirfiid la weeraray, xilli uu ku guda jiray kormeer uu ku samaynaayay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.