"Maanta Xadhig Iyo Is Basaasid Ayaan Jirine Cadaaniyow Markaaga Oy Markayga Ayaan Ooyayaaye"....Muj Xasan Guure Jaamac

0
Sunday April 09, 2017 - 15:31:12 in by Super Admin
  • Visits: 557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maanta Xadhig Iyo Is Basaasid Ayaan Jirine Cadaaniyow Markaaga Oy Markayga Ayaan Ooyayaaye"....Muj Xasan Guure Jaamac

    Guddoomiyaha madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka Md. Xasan Guure Jaamac, ayaa soo jeediyey in la hirgeliyo, isla markaana laga midho dhaliyo ujeedadii ay dagaalka u galeen halgamayaashii xorriyadda Somaliland dhaliyey ee SNM, waxana uu shaaciye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka Md. Xasan Guure Jaamac, ayaa soo jeediyey in la hirgeliyo, isla markaana laga midho dhaliyo ujeedadii ay dagaalka u galeen halgamayaashii xorriyadda Somaliland dhaliyey ee SNM, waxana uu shaaciyey inay yar tahay waxa ka hirgalay ujeedooyinkii loo dagaallamay.



Mujaahid Guure waxa uu xusay inay meesha ka baxeen qaar kamid ah hagardaamooyinkii taliskii Siyaad Barre, isaga oo wasiirka warfaafinta oo madasha goob-joog ka ahaana kula dardaarmay inaanu hadalkiisa dhibsanin, "Maanta xadhigii iyo is basaasid baan jirin, inkasta oo la yidhaahdo hebel baad la socotay, caddaani-na waxan leeyahay waxba ha isoo eegine markaaga jibbood markaygaan jiboonayaaye, markaaga Oy markaygaan ooyayaaye,” ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.Xasan Guure Jaamac oo ka hadlay munaasibad lagu daah furay mad-xafka taariikhda ururkii SNM lagu uruin doono ee SERYAN, ayaa caddeeyey inaan weli la haynin badiba midhihii la doonayey inay halgankii lasoo galay ka dhashaan, isaga oo cidda hoggaanka haysana kula dardaarmay inay dhaliilahooda u adkaystaan, waxana uu yidhi,"Ka maanta xilka hayaa yaanu dhibsanin haddii hadalka lagu soo qaado, waana lasoo qaadayaa, waayo wax la wada leeyahay ayuu hayaa, xilka SNM ay ahayd ee umaddu ka sugayey ee ilaa maanta maqani waxa ay ahayd inaan la samaynin wixii dawladdii Siyaad Barre samayn jirtey.”